Warbixin Daaha Ka Fayday Mad Madowga ku Gadaaman Habka Shirkada DP World u Martay Hanashada Maalgashiga Dekeda Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Daaha Ka Fayday Mad Madowga ku Gadaaman Habka Shirkada DP World u Martay Hanashada Maalgashiga Dekeda Berbera
June 7, 2016 - Written by Editor:

Danaha Gaarka ah ee Qoyska Madaxtooyada Ugu Lamaan Heshiiska Wareejinta Dekeda Berebera

Run ahaantii iyo marka laga eego amaba laga istaago dhanka faa’iidada maalgashigani u leeyahay dalkeena ayaa ah mid siwayn ugu qaadaya wadankeena iyada oo aay ictiraaf raadinteena qudheeda wax tar wayn u leh.

Hadaba habka dawlada UAE ay u martay sidii aay u hanan lahayd maalgashigani ayaa ku salaysnaa hab qabiiliya halka aay lixdii shirkadood ee la tartamaayay oo shirkada Ballore ahayd tii ugu horeysay ee danaysa maarsada Berbera iney maalgashato ay ahayd iyo shirkada MSC oo iyana ku xigtay ayaa waxay ahayeen labadaas shirkadood kuwo rabitaanka iyo danayntoodu kuwo ay ku salaysnayd hab dawli ah.

Waxaanay mareen nidaamkii dawliga ahaa ee heshiis loola galilahaa dawlad. Halka UAE xukumada isutaga imiraadku iyagu ay u mareen hab ka duwan. Habkaas oo ahaa hab qabiil iyagoo marka hore ka duulay iney si dadban wada hadalo ula yeeshaan masuuliyiinta xukumada iyagoo isticmaalaya laaluush ka dib si toos ah saamayn ugu yeeshay xukumada madaxwayne siilaanyo.

Taasi waxay keentay in heshiiskan dawlada Emiraadku iney ka ilaaliso in ay toos u hoos tagto Hargeisa iyadoo ka duuleysa hantideenada damaanad bidaysa beesha degaanka u leh gobolka saaxil oo ah “habar awal”.

Waana arinta keentay in Sacad Cali Shire loogu magacaabo wasiirka arimaha dibeda taaso magacaabistiisu ku qotontay inaanay beesha uu kasoo jeedo amaba siyaasiyiinta beeshiisu heshiiskan inaanay carqalad ugu noqon. Iyadoo sidaas ah waakii mujaahid Ibrahim Dhegewayne ka hadlay markii sidaa loo shaaciyay ee wararka caalamku sheegeen in la kala sexeexday heshiiskii is afgaradka hore ahaa. Kadib markii mujaahid Ibrahim Dhegawayne sida adag uu uga hadlay arinkan ayaa si qarsoodi ah madaxtooyada loogu yeedhay iyadoo wadahadalaas ugu yeedheen xukumada masuuliyiinta ka tirsan ee beesha uu kasoo jeedo oo uu ku weheliyo mujahid Muuse Biixi Cabdi. Waxaa kaloo jirta oo umada aan loo sheegin loona soo bandhigin

Maxamed biixi yoonis waxuu watay amaba taageersana in la siiyo maalgashigani shirkada Ballore oo tan iyo malinkii ay danaysay hada laga joogo lix sanadood, waxaana shirkada ballore xukumada madaxwayne siilaanyo la saxeexatay shirkada ballore heeshiiska hore ee is afgaradka ah ee hada DP world lala galay oo kale,

Warbixintani runtii waa dheer tahay intan waxaan ugu soo gudbiyay reer somaliland hordhac ahaan iyo anigoo tusinaaya wax yaabo badani inaanay ahayn sida aaynu u qabnay.

Hordhacan iftiimin iyo arimo dhowr ah inaa muujiyo ugu talo galay waxaana xigi doona habkii Dubai loogu kulmi jiray iyo shirkadaha Bollore, MSC & DP world taariikhda ay kulmeen wixii la is yidhi cidii kulamadaas ka qayb qaadatay ee xukumada somaliland metelaysay cidii lala kulmay oo tafatiran (date & time) koodii. Safiirka faransiiska u fadhiya nairobi intuu ku lahaa iyo xukumada ingiriisku iyana intii aay ku lahayd. Safiirka u fadhiya somaliland UAE Baashe Cawil qaybtuu lahaa ee wada hadalada iyo inta uu saami u yeeshaa kadib markuu waxyaabo badan ugu suuro geliyay xukumada UAE dhanka somaliland iyo shirkada  DP World uu ku yeeshay iyo danaynta uu isagu ka leeyahay ee ka wayn heshiiskan DP world ee ah shirkada ENOC ee shidaalka.

Waxaa iyana ka mid ah warbixiintan marwada madaxwaynuhu doorka ay ka ciyaartay iyana iyo sida xukumada UAE ay xukumadeena shakhsi shakhsi ugu adeegsatay sidii ay ku hanan lahayd heshiiskan. Waxaa kaloo jira gudoomiyaha  qandaraasyada qaranka iyo wasiirka macdanta oo iyaguna qandaraasyo siiyay shirkado kuwaas oo aan marnaba miisaaniyada qaranka aan lagu xusin sanad kii ina dhaafay ee 2015 & sanadadii ka horeeyay 2012,2013,2014 cidii la siiyay iyo bartii lagu kala sexeexday oo badidooda ay ku dheceen heshiisyadaas iyo wada hadaladooduba Dubai.

Madaxwayne siilaanyo hadaba maxaa gaar loogu balan qaaday?

1-waxaa ogoloonsho loo siiyay in qasri uu ka dhisto Dubai

2-inuu dego doorashada 2017 kadib

3-in wixii dhakhtar ah loogu sameeyo cusbitaalada dubai amaba UAE

Gunaanad sababta aan usoo bandhigayo xogtan ayaa ah in qaranimadii somaliland iyo heshiisyadii beelaha ku dhaqani ay ku dhisteen xukumada somaliland ee la iska daba dhaxlayay in ay UAE dulaan ku tahay.

Sababtoo ah marka ilihii dhaqaale ee qarankani lahaa lagala tashado beel waxay dhalinaysaa oo hurinaysaa colaado sokeeye waxaanay inoo horseedi kartaa burbur.

For DP World (DPW), the contract it signed on 9 May to run Berbera Port (ION 1427 and click HERE to see our special report) is primarily a $442 million industrial operation. But in the Horn of Africa, it is a veritable tsunami upsetting the delicate political­clan balance. In developing Berbera, DP World will deprive Djibouti of its port annuity and favour the ruling clan in Somaliland to the detriment of the others.Djibouti strangled, Addis emancipated ­ Up to now, Djibouti has enjoyed a virtual monopoly of Ethiopian freight via the Doraleh Container Terminal, on which Djibouti’s fragile economy depends (ION 1427). However in late April, all changed, much to the consternation of President Ismaïl Omar Guelleh: Somaliland and Ethiopia stuck an agreement to develop the Berbera Corridor (click HERE to see the document). Addis Ababa had grown fed up with the Djibouti authorities’ being unable to deal with the logjam of unloading freight. Ethiopia was in dire need of raw materials to fight against the drought in Ethiopia (ION 1425). In mid­May it unilaterally decided to channel 39 % of humanitarian aid and almost 50 % of its exports via Berbera. Just as IOG had just accepted to lower transit tariffs by 50 % after bitter negotiations with Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn (ION 1420), the latter insisted and obtained the dismissal of the chairman of the Autorité des ports et des zones franches de Djibouti (APZFD), Aboubaker Omar Hadi. Also, the award of the Berbera Port concession to DPW on 9 May was the final straw for the Djibouti government. So, IOG used his inauguration to take revenge on his Somaliland counterpart, Ahmed Mohamed Mahamoud known as Silanyo, belonging to the Issaq/Habar Jelo clan. He deliberately seated him next to the Ougas (religious leader) of the Issa, Moustapha Robleh with whom his relations are frosty, and at the edge of the VIP tribune. A furious Silanyo hurriedly left the ceremony.DPW stirs clan hornets’ nest ­ In Somaliland, Berbera Port is one of the State’s few sources of finance. Moreover, being self­proclaimed it receives very little international aid. Also, the government in the hands of Issaq/Habar Jelo intends to control the infrastructure DPW operates at the expense of the Issaq/Haber Awal clan which is dominant in the Berbera region and refuses to grant Hargeisa the exclusive rights to this source of finance. But, two branches of Habar Awal are influential in this area: the Issa Moussa and the Saad Moussa. The former are already at work: they can count on Amina Mohamed Jirde, the minister for foreign affairs, Saad Ali Shireh, and the former commander of the Habar Awal forces, Ibrahim Dega Weyne, all three from the same clan. Ibrahim Dega Weyne, after threatening to “wage war” on the government if the Issa Moussa were excluded from the DPW project, went to a secret meeting in Hargeisa with members of the government from his own clan.

QALINKII Aadan Deeq

 

COMMENTS
LINKS