|
|||||
WAJAALE NEWS
War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Kenya.
June 9, 2016 - Written by Wariye:Labada Madaxweyne ayaa isku raacay in arrinta qaxootiga lagu saleeyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee horay u dhex maray Soomaaliya Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa soo gaba gabeeyay wada hadaladii maalintii labaad uga socda Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Nairobi. Wada hadalada ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo diirada lagu saaray arrimaha amniga, xidhiidhka ganacsi, arrinta qaxootiga iyo socdaalka. Labada Madaxweyne ayaa isku raacay in arrinta qaxootiga lagu saleeyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee horay u dhex maray Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobey oo ku aadanaa in dib u celinta qaxootiga ay noqoto mid khiyaari ah. Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa guddi u saaray arrinta qaxootiga, iyadoo guddiyadan ay ka shaqeynayaan qaabkii loo fulin lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa iyo Sidoo kale waxay labada Madaxweyne isla garteen in la fududeeyo isu socodka shacabka labada dal, iyadoo diyaaradaha ka imaanayay Soomaaliya ee lagu baari jiray Wajer in dib loo eego, isla markaana duulimaadyo toos ah ay bilaaban doonaan oo aan la soo mari doonin Wajer, waxaana arrintaas loo saaray guddiyo ka shaqeeya.
Hargeisa Office Wajaalenews.net Wariye:Abdiqadir Habane Related posts:Daawo Vedio :Burco: Madaxdhaqameedka iyo Waxgaraka Gobolka Togdheer oo markii ugu horeysay Jawab kul... Daawo-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo ka hadlay wixii u soo kordhay dekeda Kuleylka Xagaaga iyo Hanfiga Oo Heer Adag Maraya iyo Biyo La,aan Xoog Leh Oo Soo Waajahdey Magaalada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|