War Deg-Dega:Siyaasi Maxamed Cabdi Aaden (Iskeerse) Oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Siyaasi Maxamed Cabdi Aaden (Iskeerse) Oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa
June 18, 2016 - Written by Editor:

 

Hargaysa(wajaalenews)Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee waxaa mardhawayd ku geeriyooday isbitaalka guud ee magaalada Hargaysa Marxuum Maxamed Cabdi Aaden(Iskeerse)Marxuumka ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahaa bukaan socod isaga oo intii u danbaysay xanuun u jiifay Cisbitaalka wayn ee magaalada Hargaysa.

Alla ha u naxariistee marxuumka ayaa ka mid ahaa tiirasha waawayn ee ay ku taagnayd Jamhuuraiyada Soamliland isaga oo kasoo qaybqaatay halganadii kala duwanaa ee lagu yagleelay qarankan aynu maanta hadhsanano sidoo kale waxa uu marxuumku xilal kala duwan ka soo qabtay maamuladii kala duwanaa ee soo maray dalka isaga oo wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ka noqday xukuumadii cigaal.

COMMENTS
LINKS