War Deg-dega:Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Askari Kale Ku Dilay Magaalada Xudun Iyo Maydka Ruux aan La Aqoonsan Oo Laga Helay Magaalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-dega:Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Askari Kale Ku Dilay Magaalada Xudun Iyo Maydka Ruux aan La Aqoonsan Oo Laga Helay Magaalada Hargaysa
June 10, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Askari Ka tirsan ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta askari kale ku dilay magaalada xudun ee gobolka Sool,sida wararka aanu ka helayno halkaas sheegayaan  askarigani oo ka tirsanaa ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay magaalada xudun ee gobolka Sool ayaa u geeriyooday midi lagu dhuftay ,askarigan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Dube Maxamed ayaa sida la sheegay uu midi la dhacay askari kale oo ay sida la sheegay ka dhaxaysay xurguf khilaaf oo gacan kahadal ahi waxaana gacanta lagu dhigay askarigii gaystay dilkan.

Laba maalmood ayuunbaa laga joogaa  markii askari ka tirsanaa ciidanka qaranka degmada Oog uu dhawaan ku dilay askari kale  taliska ciidanka ee magaalada Oog ee gobolka Sool halkaas oo uu ku geeriyooday askarigii uu rasaasta ku furay isla askariga ay isku xerada ahaayeen.

Tan iyo markii xukuumada Kulmiye ku guulasatay talada dalka waxaa tusbax furmay noqday dilalka ay isku gaysanayaan askarta kala duwan ee dalka khaasatan kuwa ciidanka qaranka taasi oo sida muuqata aanay hogaanka ciidanku wali wax xala oo lagu kaantaroolo dilalkan soo noqnoqonaya oo hadii aan wax laga qaban dhaawici kara hanaanka dawladnimo.

Dhinaca kale waxaa xalay maydkiisa laga helay nin aan la aqoonsan agagaarka Hatgaysa simima,maydkan oo ay ka muuqatay in la dilay oo nabara dusha ku lahaa ayaa maydkiisa la soo dhiagay laba sakadood dhexdood,kaas oo markii danbe maydkiisa ay la wareegeen ciidanka amaanka oo xiligan ku hawlan baadhitaanka falkan dilka ah.

COMMENTS
LINKS