|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Dega Ilaalada Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Waran Cade Oo Laba Garab U kala Jabay Iyo Dagaal Rasaas Lays Ku Waydaarsaday Oo Dhex Qarxay.
June 18, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirk Wasaarada arimaha Gudaha maxamed cali waran cade ayaa galabta cambaaro shankii galabnimo waxaa ka dhex qarxay dagaal keenay in ay iswaydaarsaan xabad nool taasi markii ay bilaabantay dhawaaqeedi laga dareemay guud ahaan xaafadaha ku xeeran halka uu ka dagan yahay caasimada hargaysa. walow aan wali lasoo sheegi inta uu leeg yahay khasaaraha soo kala gaadhay labada dhinca ee israsaaseeyay, wararka aanu kahelayno dhacdadan ayaa tobaaxay in ay sobobtay kadib marki wasiirka arimaha guduhu uu amar ku bixiyay in la xidho midka mida ilaaladiisa oo uu adeer u yahay balse markii mudo gaaban xidhaa kadib lasii daayay, sida ay shabakada wararka ee wajaalenews u xaqiijeen dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in markii lasii daayay inankii ilaalada wasiirka oo lagu magacaabo faysal mudada xidhaa uu canbaar kadib bilaabay in uu ku hanjabo in uu dilo doono midkamida isla ilaalada wasiirka oo lagu magacaabo( TUULO) isagoo sidoo kale ku dhaaqay talaabo ficil ah oo uu ku damcay in uu mar tuulo ku jiidhsiiyo gaadhi, Intaa kadib ayaa sida u noo sheegay goob jooge ka gaabsaday in la sheego magaciisu isku daygii inanka wasiirku adeerka u yahay oo sobobtay in ciidanka ilaalada wasiir waran cade ku kala baxaan laba garab oo kala ah ilaaladii uu wasiir Waran Cade Reer ahaanta u qortay oo jufadiisa hoose ay iyo Askartii hore Wasiirka Ula joogay oo uu kala wareegay wasiirkii uu xilka wasaarada kala wareegay taasi oo keentay in ay mudo labadan garab iswaydaarsadaan rasaas nool.
halka wasiirka arimaha gudaha oo ay dhacdadani ka dhex dhacday gurigiisu uu markii danbe soo kiciyay kooxo kale oo reer ahaan islamarkaana la kala dhex gala ilaaladiisan dagaalku ka dhex socday lama oga cid wax ku noqotay iyo khasaaraha soo kala gaadhay, halka wararka aanu helaynaa xuseen in laba qof wax ku noqdeen. Wasiirka oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno is wax aanu uga waydiino dhacdadan ayaanay suurto galin aanu helo. arintan ayaa noqonaysa a=dhacdadii u horaysay ee ka dhacdan somaliland ismarkaana noqonaysa wasiirka kaliya ee isagu samaystay ciidamo ilaalo u ah oo hayb ahaan uu usoo qortay shaqada halka ay joogaan ilaaladii rasmiga ahayd ee lasoo shaqeeyay wasiiradii uga horeeyay shaqada wasaarada arimaha gudaha, balse waxa iswaydiintu tahay wasiirka lagu aaminay abniga qaran iyo xaalada WAJAALENEWS DESK HARGAYSA OFFICE
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|