Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wasiirul Dawlaha Arimaha Dibada Ee Dalka Itoobiya Oo Galabta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Madaarka Caasimada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wasiirul Dawlaha Arimaha Dibada Ee Dalka Itoobiya Oo Galabta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Madaarka Caasimada Hargaysa
June 10, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Wafti balaadhan oo uu hor kacayo wasiiru dawlaha  arimaha dibada ee dawlada Fadaraalka Ethiopia ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada Somaliland Ee Hargaysa,waftigan soo gaadhay dalka oo uu hogaaminayo wasiiru dawlaha dalka Ethiopia ayaa ka kooban xubno muhiim ah oo ka mid yahay wasiiru dawlaha wasaarada ganacsiga iyo xubno kale oo sar sare.

etoobiya

waftigan ayaa galabta waxa si diiran madaarka caalamiga ah ee Egal International Airport ku soo dhaweeyay xubno kala duwan oo xukuumada Somaliland ah oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaarada arimaha dibada Sacad Cali Shire,Wasiirka Wasaaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah Eng.Xuseen Aaden Cige (Xuseen Dayr) iyo xubno kale oo katirsan xukuumada somaliland.

Ujeedada waftigan ayaa sida la sheegay dulucdiisu tahay sidii xidhiidhka labada dal loo sii xoojin lahaa iyo sidoo kale Ambaqaadka marshuuca wayn ee Berbera Corridor iyo arimo kale oo ay ka mid tahay sidii dalka Ethiopia u isticmaali lahaa maarsada qadiimka ah ee dekeda Berbera.

Wafigan ayaa dalka ku sugnaan doona mudo laba maalmood ah waxaana mudada ay joOogaan kulama kala duwan la yeelan doonaan laamaha kala duwan ee dawlada Somaliland .

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS