Ujeedada Kulan Dhexmaray Hogaanka Sare Ee Xisbiga Wadani Iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ujeedada Kulan Dhexmaray Hogaanka Sare Ee Xisbiga Wadani Iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar,
June 4, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Waxaa maanta kulan aan  warbaahin loo ogalayn  ku dhexmaray magaalada hargaysa  gaar ahaan Huteel Ambasador   xubno  kamida hogaanka sare ee xisbiga wadani iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo isagu maalmihii udanbeeyay ku sugnaa magaalada hargaysa kulamana la lahaa  bulshada qaybaheeda kala duwan iyo qaarkamida asxaabka qaranka

Hadaba kulan dhexmaray Xubno kamida Hogaanka sare ee  xisbiga  iyo prof samatar ayaa ahaa mid aan laga helin warar faahfaahsan.

sidoo kalena aanay wax war ah kasoo saarin labada dhinac ee shirka wada lahaa,  xogo dheerada oo ay kulankan ka heshay shabakada wararka ee wajaalenews.net  ayaa tibaaxay in ujeedada kulankani ahaa  sidii ay hogaanka sare ee xisbiga wadani prof samatar ugu soo bandhigi lahaayeen siyaasada xisbiga wadani  iyo sidii uga midnoqon lahaa  kaasi oo daba socday kulamo uu prof samatar la yeelanayay asxaabta somaliland iyo midkasta sidii u eegi lahaa qorshihiisa siyasadeed ismarkaana uu u xulan laha xisbiga uu siyaasadiisa mustaqbal ka dhex arko ayaa tibaaxay in uu kulanku ku dhamaaday isfaham iyo in kulan danbe layskugu soo noqdo.

wadani iyo samatar

isku soo wada duub oo kulanka prof samatar iyo hogaanka sare ee  xisbiga wadani ayaa ka duwanaa kulan hore u dhexmaray gudoomiyaha kulmiye iyo prof axmed ismaaciil samatar oo isagu ahaa mid uu kulanka ku kali ahaa gudomiye muuse biixi halka aanu waxba kala socon madaxwayne kuxigeenka somaliland ahna murashaxa kuxigeen ee xisbiga kulmiye oo isaga ay ku belyihiin prof samatar,

COMMENTS
LINKS