Taliyihii Sirdoonka Soomaaliya Ee NISA oo Xilkii laga Qaaday Iyo Taliye GAAFOW oo Loo Magacaabay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyihii Sirdoonka Soomaaliya Ee NISA oo Xilkii laga Qaaday Iyo Taliye GAAFOW oo Loo Magacaabay.
June 14, 2016 - Written by Editor:

MUQDISHO(Wajaalenews ) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey taliyihii hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka (NISA), Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare.

Xasan Sheekh, ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in is-beddelada lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Tuur-yare_Nabad_sugidda_Qaranka

Sidoo kale, Isla xeerkaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’ada Nabad-sugidda qaranka (NISA), loogu Magacaabay Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud.

Jen_Gaafoow

Dhanka kale, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka DF, Jen C/raxmaan Tuur-yare, ayaa waxaa loo magacaabay la-taliyaha Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn, Xeerkan kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqan-galayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14-ka bisha Juun ee Sannadkan 2016-ka.

 

COMMENTS
LINKS