Taladii Macalinkayga Iyo Siyaasada Somaaliland. Qalinkii; Hamse Khaire | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taladii Macalinkayga Iyo Siyaasada Somaaliland. Qalinkii; Hamse Khaire
June 2, 2016 - Written by Editor:

Macallinkayagii noo dhigi jiray luuqada Ingiriisiga oo isagu dhaladka kaga fiicnaa dhawaqa iyo naxwahaba kuna bartay Qaxootigii Dulcad ayaa markii noogu horaysay noo qaybiyay cajalado casharo ay akhriyayaan dad afka u dhashay.

Wuxuu na faray inaanu casharadaa soo dhagaysano laba maalmood kadibna uu naga eegi doono in aanu fahmayno iyo in kale. Sidii baanu yeelnay. Adigu buugaagtaanu haysanay oo waanu qabanay ereyadii.

Maalintii dambe idaacadan VOA-da(English) ayuu warka xiligaa noo diray. Isna wuu soo dhagaystaa. Maalinta dambe ayuu warkiii na waydiiyaa. Nag, cid alla cid wax ka garata. Wuxuu na waydiiyay ” Maxaa idin helay sowtii dhegahiinu carbismeen”. Anaguna waxaaanu ku cabanay ” Macalin lahjadan markaynku way deg degaysaa oo lama fahmayo”.

Wuxuu nagu yidhi macalinkii ” MA BAYTARIYO CUSUB BAAD KU DHAGAYSATEEN ?”. Mar baanu ” Haa” wada nidhi. Wuxu nagula taliyay in aanaan waligayo lahjadaa Maraykan anaan fahmayn intaanu baytariyo cusub ku dhegaysanayo. Wuxu yidhi ” BAYTARIYO LA ISTICMAALAY GUDAAFADA KA SOO GURTA OO KUWAA KU DHAGAYSTA”. Sidii baanu yeelnay, midhba way na seegi wayday.

Isbedelada siyaasadeed ee wadanka ka socdaa waa kuwo xawli badan, daran-doori iyo degsegba badan isla markaana saacad- saacad, isku bedelaya. Ma qolqol- joog war-galeen ah oo isteerinkiisu haydaroolik yhy mise qurbo-joog cagaf ah oo laab culan: ka hore wuu dabaalan karaa ka dambase kama maarmayo inuu BAYTARIYO DUUG/FALAAG ah isticmaalo si uu u fahmo siyaasada dalka.

 

COMMENTS
LINKS