Suldaanka Guud Ee Beelaha Sacad Muuse Oo Casho Sharafeed U Sameeyay Muj.Axmed Mire Iyo Badi Muunada Mujaahidiintii SNM+SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaanka Guud Ee Beelaha Sacad Muuse Oo Casho Sharafeed U Sameeyay Muj.Axmed Mire Iyo Badi Muunada Mujaahidiintii SNM+SAWIRO
June 11, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Suldaanka Guud ee Beelaha Sacad Muuse Suldaan Mawliid Ibraahin Cali (Sabayso)ayaa casho sharaf u sameeyay muj.Axmed Mire Maxamed oo dhawaan dalka ku soo guryo noqday ka dib mudo 25 sanadood ah oo uu ka maqnaa dalka.

Casho sharaftan oo lahayd muunad qurux badan ayaa kulmisay rag rug cadaa ahaa oo saaxiibo ku ahaa rarankii dagaaladii qadhaadhaa ee dalka lagu xoreeyay,waxaana mujaahidiinta casho sharafeedkani ka dhex muuqday  ka mid ahaa muj.Ibraahin Xuseen Dhagawayne,Muj.Maxamed Xasan C/lahi (jidhif),Muj.Xasan Faaf,Muj.Cabdi Musbaar,muj Axmed Xamarje.Sheekhul Axmar Rashiid Jaamac Dhari  iyo xubno kale oo iskugu jiray mujaahidiin iyo dhalinyaro,

Sidoo Kale waxaa iyagana Madashan goob jog ka ahaa Madax dhaqameed ay ka mid yihiin Suldanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Suldaan Mawliid Ibraahim Cali (Sabayso) Boqor Nuux Maxamed,Oday Saalax iyo Madax dhameed kale oo isugu jira salaadiin iyo cuqaal.

Ujeedada kulankan oo casho ahaa kana dhacay Hotel Maansoor ayaa ahaa mid lagu maamuusayay muj.Axmed mire waxaana madasha ku dheehnaa jawi waayihii qadhaadhaa ee lagu xoraynayay dalka oo haatan laga joogo mudo 25 sanadood ah.

casuumad 10 casuumad 15 casuumad 13

Ugu Horayn Suldaanka guud ee beelwaynta Subeer Awal Sul.Xasan Suldaan C/lahi Suldan C/raxman  ayaa halkaa ka jeediyay kalmado u badnaa mahadnaq iyo soo dhawayn,waxaanu madashaa ka sheegay in aanu kulankani noqon doonin kii u danbeeyay balse yahay bilawga kulamo kale oo ay isugu iman doonaan madaxda dhaqanka iyo mudantii  halgamaayaashi SNM,

casuumad 12 casuumad 9 casuumad 8

Suldaan Mawliid Ibraahim Cali  (Sabayso)  Oo Cashadan afurka ah isagu  Fidiyay ayaa Isna Halkaa ka jeediyay kelmado iskugu jiray mahadnaq  iyo soo dhawayn kuna sheegay in uu dalku u baahan yahay in ay si gaara isku arkaan cidkasta oo lexejeclo kale Aayihiisa mustaqbal ayna  muhiim tahay kulamada mujaahidiinta iyo dhaqanku  casuumadana aanay noqonay midi ugu danbaysay.

casuumad 7 casuumad 5 casuumad 1

sidoo kale waxaa  madashan  ka hadlay madax dhaqameed iyo mujaahidiin kale oo uu ka mid yahay Muj.Ibraahim Dhagawayne,Muj,Maxamed Xasan C/lahi(Jidhif) muj Axmed Xamarje, Jawaari, Siciid Qolanbe  dhamaana xubanahan ayaa ku dheeraaday sida ay daruuriga ku tahay in layska warhayo,

dhamaana waxay  madashaa ka jeediyay weedho soo dhawayn iyo xasuus u ahaa Mujaahidkan dalka Dib ugu soo laabtay ee Axmed Mire Maxamed .

casuumad 11 casuumad 14

Dhanka kale Muj Axmd Mire Maxamed ayaa uga mahad naqay casuumad sharafeedan lagu maamusay suldaanka beesha sacad muuse suldaan mawliid sabayso oo isagu agaasin keeda lahaa,

wuxuuna muj axmed mire ku dheeraaday muhiimada ay leedahay isku duubnaantu iyo in si cilmiyaysan looga fikiro aayaha dalka somaliland.

 

COMMENTS
LINKS