Suldaan Mawliid (Sabayso) Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha ah ee Dirirtu Ku Dhexmartay Degmada Dharkayn-geenyo ee Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Mawliid (Sabayso) Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha ah ee Dirirtu Ku Dhexmartay Degmada Dharkayn-geenyo ee Gobolka Sool
June 5, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Suldaan Mawliid Cali Ibraahin( Sabayso)  Oo Ka Mid ah Salaadiinta Miisaanka leh ee Dalka ayaa baaq dheer u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanada Dharkayn-geenyo oo ka tirsan Gobolka Sool ,Suldaan Mawliid Cali Ibraahin  (Sabayso)waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu la hadlayay warbaahinta,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Aniga oo ku hadlaya magaca salaadiinta,madaxdhaqamedka iyo kan shacabwaynaha Somaliland waxaan Baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay demada Dharkayn-geenyo,aniga oo aad uga xun waxa aan tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay shaqaaqadaas iyo in ilaahay caafimaad siiyo kuwii ku dhaawacmay,waynu ognahay colaadi xanuunka ay leedahay,waxay soomaalidu ku maahmaahdaa colaadi gurigaagana waykaa kaxaysaa meelna kuma gayso,Colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho.

Sidoo kale waxa uu Suldaan Mawliid Sabayso baaq u diray xukuumada,golayaasha qaranka isaga oo ugu baaqay in ay si hagar la,aan ah uga qaybqaataan daminta colaadan dhiilada leh ayuu yidhi Suldaan Sabayso

Ugu danbayntii waxaan u soo jeedinayaa labada beelood ee dirirtu dhexmartay,waxgaradka,Aqoonyahanka iyo Shacabka deegaanku inay ka qaybqaataan daminta colaadan,Sidoo kalana ay ixtiraamaan fadliga bishan barakaysan ee Ramadaan ,waxaanan ilaahay uga baryayaa in laabtiina ilaahay burcad isku kiin mariyo

COMMENTS
LINKS