Siyaasi Maxamed Gacayte oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Walaalaha ah ee Dirirtu ku Dhex Martay Deegaanka Dharkeenyo ee ka Tirsan Gobolka Sool. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Maxamed Gacayte oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Walaalaha ah ee Dirirtu ku Dhex Martay Deegaanka Dharkeenyo ee ka Tirsan Gobolka Sool.
June 30, 2016 - Written by Editor:

Ma og tahay Hadraawi ma kuu war?

Ma og tahay habaarka dhisaalan?

Halasaha dagaalka sokeeye,

Dhallintiyo halyeeyada le’eday,

Gacalkiyo hilbaha is-xasuuqay.

IHN.Gaariye. Maansadii Hagar-laawe==

Waxaynu ku jirnaa bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxayna kaga jirnaa Tobankii maalmood ee ugu dambeeyey ee naarta la iska xoreynayey, marka hore Ilaahay danbigeena ha dhaafo. Waxaana baaq nabadeed, waano iyo talo u dirayaa Labada Beelood ee wada dega, ee walaalaha ah ee Dharkeen-geenyo, waxaana leeyahay dhiiga daadanaya joojiya, dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, Waxa aynu ku jirnaa Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan waxaana dhab ah in  dhiiga daadanaya dambi mooye aanu khayr lahayn. Waxaan soo jeedinayaa in Dagaalka iyo Colaada aad soo afjartaan.  Bal aan yar halacsado bayd ka mid ah Maansadii Hagar-laawe ee IHN. Abwaan Gaariye ayaa waxa ku jiray.

 

Kugu-dhimayo-kaa-dhimay waa huq;

Rati heeryadiisa cunaaya

Hungo waa sidaan ahay maanta;

Dhanna hee dheh iima fayooba.

Anigaa colaadda ku hoobtay

Wiil iyo walaalba ka hoogay;

Anigaa hugaygu i diiday.

 

Dhinaca kale Waxaan mar labaad soo jeedinayaa inaad aqbashaan Ergada isugu jirta Guurtida, Salaadiinta iyo Wax-garadka isa soo xilqaamay ee ergo ahaan idinku yimid, Waxa la yidhi “Ergo Diid Waa Alle Diid”. Waxaan ilaahay ka barayaa inaad dagaalka joojisaan labadiina dhinacaba oo nabada qaadataan una hogaansantaan wanwaanta iyo wanaaga lagu doonayo ina lagu soo afjaro colaada, wax walba waa inaad wanaaga ka raacdaan, intii dhimatayna waxaan ALLE uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo, inta dhaawacana inuu caafimaad siiyo. Mar labaad aan dib u eegno Isla Maansadii Hagar-laawe oo runtii ah Maanso ka hadlaysa dhibaatada colaada iyo bal sawirka uu ka bixiyay abwaan Gaariye IHN. Wuxuu yidhi:-

 

Iminkana haddaan la heshiinin

Hibashada haddaan la dawaynin

Hebel-yaa-lahaa la illaawin,

Himilooy wallee gabbalkaa dhac;

Talo-faro-ka-haaddaay mooyi;

Calanyahaw waxaad tahay loo-hadh.

 

Alaa Mahad Leh

Mohamed Aadan Dubad

Hargeisa/ Somaliland

Gacayte09@gmail.com

COMMENTS
LINKS