|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirweynihii Ururka Qareenada Somaliland Oo Maanta Lagu Doortey Gudoomiye, Gudomiye kuxigeen Iyo Xoghaye
June 2, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Shirweynihii ururka Qareenada Somaliland oo maalmahan ka socdey Magaalada Hargeysa gaar ahaana Huteelka Maansoor ayaa, maanta lagu doortey Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee labada sano ee soo socda kaas oo lagu doortey Gudoomiye,Gudoomiye Kuxigeen iyo Xoghayaha Ururka. Shirweynihii Ururka Qareenada Somaliland ee Solla ayaa, maanta lagu doortey Huteelka Maansoor ee M Hargeysa Xubnaha hogaamin doona ururkaasi mudada labada sano ee socda iyadoo loo doortey Gudoomiyaha Ururka Qareenada Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi (timo),oo hore u ahaa Xoghayihii ururkaasi halka Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Qareenada Somalilandna loo doortey Garyaqaan Cabdi-naasir Yuusuf Cabdilaahi,islamarkaana Xoghayaha ururka Qareenada loo doortey Jamaal Xuseen Axmed, Waxa kale oo Shirweynahan lagu doortey Xubnaha Golaha Dhexe ee Ururka Qareenada Somaliland Solla,waxa uu socdey Shirweynahani laba maalmood oo maalintii labaad lagu doortey Xubnahan hogaamin doona ururka. Inkastoo Shirweynahani ahaa kii afraad ee noociisa ah oo ay qabsadaan Ururka Qareenada Somaliland ee Solla waxaana u tartamay Gudoomiyanimnada Ururka sadex xubnood oo kala ahaa Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi(Timo),oo hada isagu ku guulaystey xilka Gudoomiyanimada waxa uu helay 66 cod oo ergooyinka Qareenada kamid ahaa,iyadoo tirada guud ee Qareenadu ahaayeen 119 Ergay iyo 3 Shirgudoon ah waxa kale oo ku tartamay Xilka Gudoomiyanimada Ururka Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi waxa uu helay 47 Cod, iyo Garyaqaan Farduus Maxamuud Gaheyr oo iyaduna heshay 7 cod, Sidoo kalena waxa Xilka Gudoomiye Kuxigeenka u tartamay markii hore Sadex Xubnood (1)-Cabdinaasir Yuusuf Cabdilaahi 90 cod waxaana ka tanaasuley laba xubnood oo kala ahaa garyaqaan Barkhad Jaamac Aar iyo Garyaqaan Xamse Maxamuud Xasan. Waxa kale oo isku Sharaxey Xilka Xoghayaha Guud ee Ururka Solla laba xubnood oo mid kamid ahi tanaasulay waxaana ku guulystey garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed oo helay 93cod halka uu ka tanaasuley Garyaqaan Daahir Maxamed Faarax(Daahir-Ciyaale). Isku soo wada duub oo Shirweynahan afraad ee Ururka Qareenada Somaliland ee (Solla) ayaa kusoo dhamaadey jawi aad u degan oo ay isku hambalyeeyeen dhamaanba Xubnihii ku tartamay iyadoo doorkan ururka Qareenada uu kuyimid isbadel u batey dhinaca Dhalinyarada oo xiligan la wareegay Hogaaminta Ururkaasi.
Related posts:DAAWO;Madaxwweynaha Jsl Axmed Siilaanyo Oo Maanta ka Qaybgalay Shir lagaga Hadlaayey Mashruuca Horu... DAAWO;-Gudoomiyaha Xafiiska Imtixanaadka Oo kormeer Kusoo Maray Qaarkamida Dugsiyada Wajaale Ee Ay k... Sh. Barbaraawi Oo Ka Hadlay Dagaal Golaha Ku Dhexmara Xildhibaanada Iyo Sida Ay Bulshada Ugu Micneey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|