Saadaasha Fursadeed Ee Gudoomiye Cirro u Haysto in Uu Noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saadaasha Fursadeed Ee Gudoomiye Cirro u Haysto in Uu Noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliland.
June 3, 2016 - Written by Editor:

Soomaalidu Marka ay Wax Saadalinayaan Waxa ay Soo Qaataan Taariikh Hore oo Dhacday iyadoo Lagu Dabaqayo Ta Maanta Taagan ama Ta Soo Socota Markaa Waxaynu Eegi Doonaa Tarikhda Siilaanyo Ee SNM iyo Cidii Bedashay Waana Sidan:- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Waxa uu ahaa Gudoomiyihi 4aad Ee SNM Isla Maantana Waa Madaxweynihii 4aad Ee Jamhuuriyada Soomaaliland, Madaxwayne Siilaanyo Wuxuu Gudoomiyaha SNM Hayey Mudo 8sano ah Halka uu Maanta Mudo Xileedkiisu uu Noqonayo 7sano oo 4bilood Ka Dhiman Tahay Iyadoo Imikana La Hadal Hayo Mudo Kordhin Kale oo Loo Sameynayo Madaxweyne Siilaanyo. Hadaba Ayaa Xilka Kala Wareegay Siilaanyo Gudoomiyenimada SNM? Waxaa Bedalay Cabdiraxman Axmed Cali(Tuur) ILaahay Naxariistii Jano Ha Ka Waraabiyee Waxa ay isku Magac Yihiin Cabdiraxmaan Cirro Dhinaca Kalena Waxa ay Noqonayaan Isku Reer Cabdiraxman Tuur iyo Cabdiraxman Cirro. Sidoo Kale Waxa ay Labadooduba ahaayeen Safiiro.  Cabdiraxman Tuur(Alle ha u naxariistee) Isagoo 6bilood oo Kaliya Haya Xilka Ayuu Dalka Xoreeyey.

ciro

Cabdiraxmaan Cirro isagana Waxa Aynu U Rajaynaynaa in uu 6da Bilood ee ugu Horeeya In uu Ku Keeno Aqoonsi Caalami ah oo Ay Soomaliland Ka Hesho Beesha Caalamka Insha alla. 

Mohamed Ali Mataan.  

Mataan448@gmail.com

Hargeisa Soomaliland.

 

COMMENTS
LINKS