Qorshaha Ganacsade Maxamed Aw Siciid Ku Dhaqdhaqaajiyay Diidmada Reer Saaxil Ee Wareejinta Dekaddu Ma Barnaamijkii Jabuutibaa Mise Waa Mid Hogaanka Kulmiye Hada Bilaabay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qorshaha Ganacsade Maxamed Aw Siciid Ku Dhaqdhaqaajiyay Diidmada Reer Saaxil Ee Wareejinta Dekaddu Ma Barnaamijkii Jabuutibaa Mise Waa Mid Hogaanka Kulmiye Hada Bilaabay?
June 29, 2016 - Written by Editor:

Waa Faallada Diidmada Heshiiska Dekedda Berbera Oo Habeenadan Xiisadiisu adkeyd

Hargeysa(Wajaalenews)-Muran kama taagna in la isla oogsadey halka ay mareyso xiisada wakhti xaadirkan ka abuuran fikradaha kala duwan ee la qabo Mashruucii Wareejinta Dekedda Weyn ee Berbera, oo wakhti xaadirkan meel adag ka taagan marka laga tago Bulshada kale Masuulyiinta kala duwan ee Gobolka Saaxil kaga jira Golaha Xukuumada iyadoo, ay inta ugu badan ee Kaadiriyiinta Xisbiga Kulmiye ee la safan Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi dhawaan shir la qaateen Ganacasadaha Reer Jabuuti Maxamed Aw Siciid Geedi oo isagu qeyb weyn ka ah xiligan ololaha diidmada Mashruuca Wareejinta Dekedda Berbera.

sawir3

Kaadiriyiinta Xisbi Xaakimka Kulmiye ee Gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta Xukuumada kaga jira Gobolkaasi  ayaa intooda badani aaminsan yihiin in Wareejinta Dekedda Berbera ay guud ahaanba xaaraanb tahey, taas oo ay ku qiimeeyaan laba qodob oo kala ah hadii Dawllada Imaraadka Carabtu sameyneyso Dekedd cusub ay tahey mid sax ah oo ay aqbalayaan islamarkaana, ay mur ka qadhaadhahay hadii Dekedda(Marsada)xiligan dhisan

sawirada2

Dagaalka uu bilaabay ina Aw Siciid oo ah Gancsade ku Xidhan Xukuumada Dawlada Jabuuti ee kasoo horjeeda Mashruuca Wareejinta Dekedda Berbera ee Imaaraadka,waxa ku lamaaneeya ama ku weheliya Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse-Biixi oo la arkayo kaadiriyiintiisa taageera ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil

Sikasta oo ay tahey arimaha Dekedda Berbera ayaa wakhti xaadirkan aad murugsan kadib markii fikirkii hore ay dadweynaha Reer Saaxil ka qabeen Wareejinta Dekedda Berbera,ay dhaqdhaqaaq culus kusoo kordhiyeen Kooxda Ganacsade Maxamed Siciid Geedi iyo Taageerayaasha Gudoomiyaha Kulmiye waana talaabada Xiisada cirka kusii shareertey maalmihii u dambeeyay iyadoo lahadalhayo in Qorshayaasha Dawlada Jabuuti kaga soo horjeedo Dekeddu aanu wali dhadhaweyn

 

COMMENTS
LINKS