Qaado Go’aanka Adag Balse ha Qaadan Go’aanka Axmaqnimada Ah Dhaliishuna Waxay Saacidaa Qofka Tilmaan U Qaata “Runta iyo Raad Raac” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaado Go’aanka Adag Balse ha Qaadan Go’aanka Axmaqnimada Ah Dhaliishuna Waxay Saacidaa Qofka Tilmaan U Qaata “Runta iyo Raad Raac”
June 30, 2016 - Written by Editor:

Wax Ka Baro Sooyaalka Siyaasadeed Ee Wasiirkii Hore Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Siyaasigani waxuu hormood u yahay Raga Madaxwayne Siiraanyo u far

qabtay Casharada Siyaasada isla markaana lagu arkay Saaxada Siyaasada

mudo xileedkiisa waxaana hubaala in aanu Waayo aragnimo ka korodhsan

Casharo badan oo mudo Lix Sanno ah uu u dhigay Madaxwayne Siiraanyo oo

ah Ruug Cadaa mudo dheer iyo marxalado kala duwan Saaxada Siyaasada ku

soo jiray .

Iyadoo Madaxwayne Siiraanyo Xillkii u horeeyay u magacaabay Siyaasigan

Badhtamihii Sanadkii 2007 Xubinta Xisbiga Kulmiye u soo xulay

Kumishanka Doorashooyinka Qaranka S/land iyadoo Xillkaa si rasmiya

Xubnihii Komishanka ugala wareegeen Agaasimihii Komishanka Maalin ku

Taariikhasan 9/8/2007 isla Maalintaas Xubnihii Komishanku waxay u

doorteen Gudoomiye ku Xigeenka Komishanka Waqtigaas oo Madaxwayne

Siiraanyo ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Hirdan adagna uu ugu jiray

siduu ugu guulaysan lahaa Kursiga dalka ugu sareeya ee Madaxwaynaha

waxaase xusid mudan in uu mudo Sagaal Bilooda ku soo gunaanaday Xilkii

Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay isagoo iska casiley Xillkii iyo

xubinimadii Komishanka Doorashooyinka Qaranka S/land Maalin ku

Taariikhaysan 4/5/2008 iyadoo Taariikhdu ka marag kacaysa in Sagaal

Bilood uu Gudoomiye ku xigeenka Gudida Doorashooyinka S/land ahaa uu

ku kacay Ficilo  kala duwan   Xubnaha Komishanka Doorashooyinka.iyo

Madaxwaynihii hore ee Rayaale, taasina ay sobobtay in uu gaar uga baxo

Todobadii Xubnood ee Komishanka sidaana ay ku raaceen Dhag xumooyin

Siyaasadeed oo ka marag kacaya in uu yahay Siyaasi Socod Barad ah oo

aan la jaan qaadi Karin una adkaysan Karin Mawjadaha Siyaasada ee hadh

iyo habeenba socda .

 Mar kale waxuu Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay 31/7/2010 Chief of

Cabinet Madaxtooyada isagoo mudo Sannad ah uu Xillkaa hayay ku kacay

Ficilo ka yaabiyay Bulshada S/land oo Qormo kaliya lagu soo koobi

karayn sida Xadhigii 26/5/2011 uu kula kacay Askari ka mida ilaalada

Hutelka Ambasodor oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee sugida Amaanka

Hutelka Ficiladan oo dhamaantood muujinaya in uu yahay Siyaasi socod

barad ah , Sidoo kale Madaxwayne Siiraanyo waxuu u magacaabay

11/6/2011 Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada waxaanu noqday Wasiirka ugu

hadal haynta badan Golaha Wasiirada iyadoo Qormo kaliya lagu soo koobi

karayn dhacdooyinka ku xusan Sooyaalkiisa waxaase xusid mudan Maalin

ku taariikhaysan 2/1/2014 isagoo ku sugan Magaalada Liverpool ee Dalka

UK ugu soo hanjabay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ( Sankaan Caano Ka

Lisi ) oo Sidoo kale Siyaasigan ayaa lagu xasuusto Weedho Laaxinku ku

badanyahay uu warbaahinta u mariyo Golayaasha Qaranka iyo kooxaysi uu

Golaha Wasiirada ka dhex Abuuray iyadoo aan la dafiri Karin wixii uu

qabtay waxaase marag ma doona in dhamaan wanaagii uu sameeyay uu ku

soo gunaanaday in Dhag xumooyin Siyaasadeed ka raacaan Saaxada

Siyaasada ka dib markuu Maalin ku Taariikhaysan 27/10/2015 uu Hormood

u noqday Wasiiradii ugu tirada badnaa ee mar iswada Casila Xukuumada

Madaxwayne Siiraanyo dhacdadan oo Ugub ku ahayd Saaxada Siyaasada

S/land waxay ka marag kacaysa in Siyaasigani Dalka iyo Dadka midna u

tudhin, ,Siyaasi

Jinni Boqor ah oo Dagdaga iyo Caadifadu madax martay , Siyaasi

Midnimada iyo Wadajirka aan ka shaqaynin , Siyaasi aan u Adkaysan

Karin arimaha ka hor yimaada , iyadoo dhamaan Dabeecadaha socod

baradku ka muuqdaan Siyaasigan.

Ugu danbayn inkastuu Siyaasigani yahay hogaamiyihii Wasiiradii

iscasiley walina aanu ka tanaasulin diidmadii Shirkii Golaha Dhexe ee

Xisbiga Kulmiye ku soo doorteen Gudoomiye Muuse Biixi Xisbi kalena

aanu ku biirin Dadka dhacdooyinka Siyaasada ee Maalinlaha ah sida

joogtada ula socdaa waxay ku tilmaamaan Siyaasigan in uu yahay Nin

Jini Boqora

Balse waxuu ku guuldaraystay in uu u Cumaamado Murashax Madaxwayne uu

isagu wato oo Xisbiga Kulmiye ka soo baxa waxaanse ku soo gunaanadayaa

Qoraalkaygan Maah_maahda Soomaaliyeed ee tidhaahda ( Hadii hamigaagu

kuu been sheego itaalkaaga ayaa kuu run sheega )

 Ugu danbayn waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa Sheeko dhaxal gal

noqotay, oo dhex martay Suldaan Samo Talisa iyo Nin uu adeer u ahaa oo

Suldaanku aad u jeclaa in uu dhaxalkiisa yeesho balse Ninkii

Suldaankii oo nool taladii Reerka ku qabsaday Suldaankii oo dhacdadaa

Murti ku suuraynayaa waxuu yidhi .

Sadqo badan hadii laga baxshoo sumalo loogay

Waliyada siraatiyo hadaan culimo sooryeeyay

Hilbo solaya hadii loo dhigoo sixin ku soo shiilay

Waa siloon waqtigu saaqidoo saafi noqon waaye

Kama suulo maangaab in uu samaha diidaaye,

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS