Prof Samater Oo ku Guulaystay koobki Tartanka Qabyaalada “ Saylici Waa Inaadeerkay, Muusana Waa Abtigay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof Samater Oo ku Guulaystay koobki Tartanka Qabyaalada “ Saylici Waa Inaadeerkay, Muusana Waa Abtigay.
June 14, 2016 - Written by Editor:

Prof  Axmed Ismaciil Samater oo muddo dheer macalin ka ahaa Jaamacad ku taalla dalka Maraykanka , ayaa hormood ka ahaa asaaskii  ururkii loo odhan jiray “ HIIL QARAN “ oo yoolkiisu ahaa midnimadda  Somalia & Somaliland. Wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay ka hortaga  qaranimadda  Somaliland.  Wuxuu tegay Xamar 2012, asaga oo isu sharaxay jagada Madaxweynenimo. Markuu ku fashilmay, waxuu lasoo noqday ereyga “ Duopoly “ oo uu ku fasiray  in Hawiye & Darood  madax ka noqon karaan Somalia ,laakinse aan  cid kale loo ogolayn.

Markii ay danto kusoo celisay Somaliland, wuxuu ku anda-cooday in xukunka iyo saddexda xisbi qaran ,ay xuurto ku haysataan “ Monopoly “ Beelaha Dhexe , asagana aanay meeli uga banaanayn. Wuxu ilaabay in Madaxwayne  Daahir  Riyaale xuurto ku haystay Somaliland, muddo ka badan 7 sano.

Hadaba,  Prof Samater wuxuu  salaanka  qabyaaladda ka fuulay halkii ugu  hoosaysay. Wuxuu “ Hiil Qaran “ ku beddeshay  “Hiil Qabiil”.  Mar  casho sharaf loogu sameeyay Guriga Madaxwayne Ku- Xigeenka Mudane Saylici , oo ay kasoo wada jeedan  beesha “ Maxamed Case “,  Prof. Samater wuxuu ku tiraabay   in meesha  “Maxamed Case”  maro  asaguna maraayo. Waxa kale uu sheegay  in naaska hooyadii qabanaayo ,haddii uu Col.Muuse Biixi ka leexdo.  Isku soo wada duubo, Prof Samater ayaa si xarago leh ugu guulaystay   koobkii qaraniga ee “ Qabyaaladda “

Drs. Hoodo Yusuf,UK,London.

yhoodo@yahoo.com

COMMENTS
LINKS