Prof. Samatar Oo La Filayo In Uu Si Rasmi ah Ugu Biiro Xisbiga Kulmiye Iyo Qabashada Xaflada Soo Dhawayta Oo khilaaf Culus Ka Dhex Abuurtay Saylici Iyo Muuse Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof. Samatar Oo La Filayo In Uu Si Rasmi ah Ugu Biiro Xisbiga Kulmiye Iyo Qabashada Xaflada Soo Dhawayta Oo khilaaf Culus Ka Dhex Abuurtay Saylici Iyo Muuse Biixi
June 13, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Warar Aanu ka helayno agaasinka xaflad soo dhawayn ah oo hogaanka sare ee xisbiga kulmiye uqabanayo prof Axmed Ismaaciil samatar ayaa la sheegay  in ay  khilaaf culus ka dhex abuuray gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyo madaxwayne kuxigeenka somaliland Cabdiraxmaan Saylici

Sida Warar xogogaal ah oo soo gaadhaya dagalka shabakada  wararka ee Wajaalenews ayaa tibaaxaya in maalinta salaasada  ah ay jirto xaflad aad u balaadhan oo lagu soo dhawaynayo prof Samatar taasi oo sida xogahan tibaaxeen ka dhici doonta magaalada Borama.

SAYLICI,MUUSE IYO SMATAR

Qabashada munaasibadan iyo habka ay u qabsoomayso ayaa khilaaf ka kala dhex abuurtay murashaxa xisbiga kulmiye iyo kuxigeenkiisa taasi sal ka ku haysa munaasibadan.

Sidoo kale gudoomiye Muuse Biixi ayaa isagu maalinta bari ah safar Uu Ugusii diyaar garoobayo soo dhawaynta prof samatar kusii tagaya magaalada borama halka cabdiraxmaan saylici oo ay markii Qorshohoogu ahaa in ay Isasii  raacaan Aanu ku wehelin safarka bari .

Dhinaca kale ku soo biirista xisbul xaakimka  ee Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye u arkaa in ay  tahay guul xisbigu gaadhay balse Ca/raxman Saylici u arko mid kurisgiisa halis ku ah maadaama yahay xubin ay isku raas yihiin miisaan culusna ku leh bulshada.

 

Prof Samatar iyo ku biiristiisa xisbiga kulmiye oo talada dalka hayay mudo imika laga joogo lix sanadood shacbiga somaliland aad uga dharagsan yihiin siyaasadiisa ayaa waxay iswaydiintu tahay Samatar muxuu kuso kordhin karaa xuumada iyo xisbigeeda ku fashilmay hogaamintii dalka? sidoo kale  mawada shaqayn karaan xubnaha xiligan ka sharaxan xisbiga kulmiye  iyo aqoonyahanku?

maxayse noqonaysaa doonista prof samatar ee hankiisa siyaasadeed mustaqbalka dhow?

Isku soo wada duub oo waxaa laga war sugidoonaan halka uu sal dhigo khilaafka huursan ee ay abuurtay so dhawaynta prof Samatar ee xisbiga kulmiye iyo tuhunkii laga qabay in gudoomiye Muuse damacsan yahay sidii uu Saylici uu kursigiisa u sadqay lahaa kuna badalan lahaa cid uu isleeyahay gobolka Awdal ayay codkaaga keeni Karta,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS