MURDIS MOOYEE MADHXIS MA LEH! MUJ CALI GURAY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MURDIS MOOYEE MADHXIS MA LEH! MUJ CALI GURAY
June 27, 2016 - Written by Editor:

Galabta waxan dhegaystay BBCda oo Axmed Siciid Cige uu arintii Dekedda ee DP World ka Waraysanayo Wasiirka Arimaha Dibadda Sacad Cali Shire. Wuxu sheegay Sacad in 90% dadka Somalland ay taageersan yihiin mashruucan halka aniguna aan qabo in 90% dadka Reer Somalland aanay laxdaba u war hayn oo wararkan is dhex qaadaya uun ku wareersan yihiin, yaa sax ah yaa qalad ahna aanay kala garanaynba. Sababtuna waxay tahay cid si fiican wax ugu sheegtayba ma jirto sua’aalo badan iyo shakiyo laga qabo dadka mashruucan ku xeeran ee loo daba fadhiisanayo midida daab keedana iyagu gacanta ku haya oo ku caan baxay musuqmaasuq eex iyo qaraabo kiil ayaa iyaguna ah mushkilad sida loogu kalsoonaan karo. Waayo dee waayoaragnimo hore ayaa jirtay oo markaaba la xusuusanayo oo ah mashruucii sahanka shidaalka ee ashirkadii GENEL OIL iyo sidii uu u fashilay.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh hadalka Wasiirka ayaa marag cad u ah in cid iyaga iyo inta u sacabisa aan ahayn aanay mashruucan aad isaga waraysanin, mucaaridka oo dhanna ay dhinac iska dhigeen oonay haba yaraato eh aragtidooda wax tixgelin ah siinin iska daa talo ay kala yeeshaan eh. Markaa dadka boqolkiiba 90% mashruucan taageersani ma iyaga iyo inta darafu dawlaha ah uun baa? Intey se ka noqon karaan shacbiga Somaliland oo dhan? Hadiiba sida uu wasiirku sheegay ay run tahay lafteeda kolay anigu inta gebi ahaanba ka soo horjeeda mashuucan kuma jiro. Inta u baqaysa ee iyaga uga baqaysa inay fashiliyaan ayaan kow ka ahay iyagana warkoodu wuxu ii yahay uun intaa aan saxaafadda ka bowsado ilayn dad ka mid ah dadka ah oo ku xidhan ama xidhiidh toos ah la leh maaha. Waa niman markii horena qurbojoog ahaa markay moofadoodii maraq u heleena cid kasta ka goostay maca qurbojoogoodii iyo xisbigoodiiba. Waxay kaga dareen MURDI MOOYEE MADHXIS MA LEH

COMMENTS
LINKS