Muranka Sharci Ee UCID Muxuu ku fadhiyaa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muranka Sharci Ee UCID Muxuu ku fadhiyaa?
June 13, 2016 - Written by Editor:

Musharixiinta Ma Waxa lagu Doortaa Shir-weyne Mise Waxaa lagu Doortaa Shirka Golaha Dhexe ?

1- Waxana inooga jawaabaya Xeerka Xisbiga UCID Qodobkiisa 16aad Faqradiisa 10aad waana sidan:-

10- Waxa ay u codaynayaan cidda noqonaysa musharraxa madaxwaynaha iyo M.xigeenka.

Sidoo kale qodobka 27aad Faqradiisa 1aad ee xeerka xisbiga UCID waxa ay si cad u qeexaysaa cida dooranaysa Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha ee Xisbiga UCID waana sidan :-

  1. Musharixiinta Madaxweyne iyo Madaxweyn xigeen ee xisbiga waxa dooranaya Golaha dhexe ee xisbaga.

Isla Qodobkaas 27aad Faqradiisa 5aad ayaa si cad ugu diidaysa Faysal in uu isku soo taago jagada Musharaxnimada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha wax ka badan 2 jeer waxana ay u dhigan tahay sidan:-

  1. Xubina looma sharixi karo musharax Madaxweyne ama ku xigeen wax ka badan laba jeer.

Waxa kale oo faqradaa u marag-furaaya qodobka 12aad faqradiisa 1aad iyo 2aad ee xeer 14 oo ah xeerka lagu aasaasay ururada iyo asxaabta qaranka waana sidan :-

Qodobka 12aad: Mudada xilka Madexweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga

  1. Qofna jagada madexweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.
  2. Xisbi qaran jagada gudoomiyaha xisbiga uma sharixi karo xubin laba xildoorasho wax

ka badan.

Dacwada Faysal maaha mid sax ah waxana diidaaya qodobka 14aad ee xeerka xisbiga UCID waana kan qodobkii oo dhami:-

  • Qoddobka 14aad

Awooda iyo Waajibaadka Shirwaynaha

  1. Shirwaynuhu waxaa uu dooranayaa Gudoomiye, Gudoomiye xigeenka koowaad, ka labaad,ka sadexaad,Xoghayaha guud iyo kuxigeenka xoghayaha guud shantii sanaba mar.
  2. Waxaa kale oo uu dooranayaa xubnaha golaha dhexe ee banaanaada ama cusub ama wuxuu u wakiilanayaa cidda awood uu u siiyo.
  3. Shirwaynuhu wuxuu ansixinayaa xeerka iyo barnaamijka hogaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo go,aamada ay usoo gudbiyaan golaha dhexe iyo gudiyada fulinta isaga oo habaynaya siyaasada guud ee xisbiga.
  4. Waxaa uu ka doodayaa warbixinaha loo soo gudbiyo iyo ajandayaasha loo soo diyaariyo isaga oo eegaya xaalada lagu horumarinayo hawlaha xisbiga, islamarkaana qiimaynaya warbixinaha loo soo gudbiyo, Waxaana uu go’aan ka soo saarayaa arimahaasi laga dooday.
  5. Waxaa kale oo uu qiimaynayaa howlqabadkii gudida fulinta mudadii ay xilka haysay, wixii u qabsoomay, wixii qabsoomi waayay, sababta ay u qabsoomi wayday iyo sida loo xallinayo.

Waxa Xeerka dib-u-habayn ku sameeyey Gudi loo xilsaaray oo ka kooban

  1. Garyaqaan Siciid Cabdilaahi Xuseen
  2. Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac
  3. Prof. Siciid Caamir
  4. Maxamed Jaamac

Sidaas darteed waxa jaban Dacwada Faysal Cali Waraabe.

                   

Qalinkii:- Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

            Chief Executive Officer:- Damal Legal Services

                              Email:- cabdale1987@gmail.com

                                         Tell:- 036-4240180   

                                                12/06/2016

COMMENTS
LINKS