Mujaahid Axmed Mire Iyo Mujaahid Jidhif Oo Kulan Gaar ah Kuwada Qaatey Hargeysa iyo Arimaha Ay Kawada Hadleen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahid Axmed Mire Iyo Mujaahid Jidhif Oo Kulan Gaar ah Kuwada Qaatey Hargeysa iyo Arimaha Ay Kawada Hadleen
June 6, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaale News)-Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif),Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa, Caawa Fiidkii kulan gaar ah kula qaatey Guriga uu ka degan yahey Magaalada Hargeysa Mujaahid Axmed Mire Maxamed Nuux oo kamid ahaa Mujaahidiintii SNM ee kasoo qeyb qaatey halgankii dalka lagu xoreeyay oo shaley dalka kusoo gurya noqdey.

KULNAKK 23

Kulankan oo ahaa mid ay labada Mujaahid isku kaliyeysteen islamarkaana, ay iskaga xogwareysteen guud ahaanba xaalada dalku marayo wakhtigan,iyo marxalada guud ee ay ku miyan yihiin Shacabiga Somaliland waxey sigaar ah ugu lafa gureen in aaney marnaba dib usoo noqoneynin Waayihii dureed ee lasoo marey haseyeeshee loo baahan yahey in wakhtigan sida saxda ah ee maslaxada umaddu kujirto in loo shaqeeyo oo laga wada shaqeeyo arimaha danta guud laakiin aan daneysi laga shaqeynin.

KULANKA JIDHIF IYO AXMED MIRE 4

Kulanka Labada Mujaahid,oo wakhti badan qaatey ayaa kusoo dhamaaday,in ay kawada socon  doonaan arimo badan islamarkaana bulshada ku wacyi galin doonaan tubta toosan.

Mujaahid Jidhif  iyo Mujaahid Axmed Mire ayey isugu dambeysay mudo ku siman dhawr iyo toban sanadood.

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS