Muj Cali Guray Oo Dhaliilay Safarada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Uu Dalka kaga baxayo Iyo Shaqada Laga Sugayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Oo Dhaliilay Safarada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Uu Dalka kaga baxayo Iyo Shaqada Laga Sugayo.
June 10, 2016 - Written by Editor:

Cajiib! Gudoomiyaha Wakiilada miyaan isaga laga sugayn Xeerkii lagu dooran lahaa Wakiilada. Kolay anigu inuu danaynayo uma arko. Waxay ila tahay Gudoomiyaha inta Xeerkaasi maqan yahay waxay ahayd inuu waran ku taagan uu u arko oo mar kasta ka hadlo sidii loo dardar gelin lahaa. Isaga oo soo qaadaya xataa anigu ma arko in kasta oo joogitaankiisa dalkuba uu naadir yahay oo wakhtigiisii noqday mar uu dayuurada sii saaran yahay ama soo saaran yahay. Mar uu soo degay oo Madaarka la dhooban yahay oo la soo dhawaynayo ama la sii dhawaynayo iyo mar uu dalka debadiisa wareegayo oo xafladiba xaflad u dhiibayso arinkiisuna yahay HA WAREEGTO GIRAANTU. Qaranka waxa uu u hayaa xil aanay musharixiinta kale uu la tartamaya aanay u hayn oo aan lagula xisaabtami doonin laakiin isaga aan bun laga dhimi doonin ee lagula xisaabtami doono. Isagiina umaba jeedo nin xilba ka saaran yahay Golaha Wakiiladana isumuu dhigin. Calaa kuli xaal wuxu isu arkaa Madaxwaynaha aan weli la dhaarin ee mustaqbalka dhaw, Alla Kariim.

MUJ CALI GURAY

RAMADAAN KARIIM

COMMENTS
LINKS