|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamad Ku Taalla Magaalada Bristol Oo Bilowday Dhageysiga Dacwad Ka Dhan Ah Nin Soomaali Ah Oo Loo Haysto Inuu Dilay Xaaskiisii
June 23, 2016 - Written by Editor:Magacyada Eedaysanaha Soomaaliga Ah Iyo Marxuumadda Uu Ku Dhagaroobay Bristol(Wajaalenews,) – Maxkamad ku taalla Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska, ayaa bilowday Dhageysiga Dacwad loo haysto Nin Soomaali ah oo ku eedaysan inuu Qudha oo uu dilay Xaaskiisa oo iyaduna Soomaaliyad ahayd. Ninkan Maxkamaddu bilowday Dhageysiga Dacwaddiisa oo Magaciisa lagu sheegay Cabdirashiid Khadar, ayaa la sheegay inuu 26-kii Juley ee Sannadkii 2015-kii Middi ku dilay Xaaskiisa oo Alle ha u naxariistee Magaceedu ahaa Amaal Cabdi. Eedaysanahan, ayaa Warbaahintu sheegtay inuu Xaaskiisa Dhowr jeer kaga dhuftay Qoorta, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isla-markaana ka dalbatay furriin, dhaawacii ka soo gaadhay Middidaasina sababtay inay Geeriyooto. Booliiska ayaa laga soo xigtay in Ninkani Markii uu dilay Xaaskiisa uu la xidhiidhay, markii ay u tageen ee ay la kulmeen Meydka Xaaskiisana uu isaguna ka dalbaday inay Dilaan ama Xidhaan. 22 jirkan Soomaaliga ah oo xidhnaa ilaa Wakhtigii uu dhacay Dilka uu ku eedaysan yahay, ayaa la sheegay inuu Maxkamadda ka hor-qirtay Dilka xaaskiisa oo uu ku eedeeyay inay ku qaylin jirtay tan iyo markii uu tagey Dalka Ingiriiska, taasina keentay inuu ku dhagaroobo, laakiin wuxuu ku doodayaa sida Warbaahintu soo tabisay inaanu ula kac u dilin Xaaskiisa, ee ay cadho ku keliftay. Related posts:DAAWO;-Warbixin Laga Diyaariyay Fashilka Ku Yimid Dhismaha Wadada Isku Xidha Kalabaydh Iyo Wajaale O... Masuuliyiintii u Sareysay Xisbiga KULMIYE Ee Woqooyiga Ameerika oo Xilalkii Iska Casilay, Iyo sabab... Shirkada Redsea Oo Yeelatay Masuuliyada Shidaal Wasakhaysan Oo lagu Shubay Haamaha kaydka Berbera COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|