Maxamed Cali Kalaay Oo Maanta Lagu Aasay Magaaladii Uu Ku Dhashay Ee Louis ville Iyo Aaska Marxuunka Oo Ay Kasoo Qay Galeen Madaxda Caalamka iyo Kumanaan Dad Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxamed Cali Kalaay Oo Maanta Lagu Aasay Magaaladii Uu Ku Dhashay Ee Louis ville Iyo Aaska Marxuunka Oo Ay Kasoo Qay Galeen Madaxda Caalamka iyo Kumanaan Dad Ah
June 10, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) -feedhyahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali Kalaay ayaa waxa maanta lagu aasayaa Magaalada Louisville ee gobalka Kentucky dalka Maraykanka oo ah magaladii uu ku dhashay feedhyahankii canka ahaa ee Maxamed Cali Kalaay oo dhawaan ku geriyooday dalka maraykanka.

 

Waxaana  munaasabad xus ah oo loo qabtay Halyeygii Mohamed Ali, waxaana lagu tukaday salaada Janaasada isu soo bax ka dhacay goobtii ugu horeysay oo uu ka bilaabay ciyaarihiisii Feerka ee magaalada uu ku dhashay.

 

Xuskan ayaa ahaa mid loogu talo galay in dhamaan dadka ay kasoo qeyb galaan, kahor intaan Aaska uu dhicin maanta oo Jimce ah ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa in badan oo kamid ah Muslimiinta iyo dadka kale ee Maraykanka oo doonayey inay ka qeyb galaan xuska Halyeygaasi caanka ahaa.

kalaay 1 kalaay 3

Aaska ayaa maanta oo Jimce ah ka dhici doona qabuuro ku yaal magaalada Louisville, waxaana lagu wadaa inay ka qeyb galaan Hogaamiyayaal caalamka ka kala yimid oo uu kamid yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo la filayo in aaska uu kalmado kasoo jeediyo iyo dhamaan qoyska Mohamed Ali.

kalaay 2

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa xalay isaguna si gaar ah warbaahinta uga siidaayey hadalo uu ugu talo galay xuska iyo Tacsida Mohamed Ali oo uu ku tilmaamay halyey si weyn u saameeyey noloshiisa iyo nolosha shacabka Maraykanka gaar ahaan dadka Madowga iyo Muslimiinta Maraykanka.

COMMENTS
LINKS