Maxaa kuu qorshaysan bisha ramdaan? W/Q/maxamed ismaaciil xaajicali (mataan). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa kuu qorshaysan bisha ramdaan? W/Q/maxamed ismaaciil xaajicali (mataan).
June 13, 2016 - Written by Wariye:

Waxa ina qaadaa dhigaya udugii iyo neecawdii kasoo kamkamaysay bisha barkaysanee  inagusoo fooll,e ee ramadaan ilaahayna waxaynu ka baryaynaa inuu caafimaad qab inagu gaadhsiiyee haddaba bishan oo bilaha kale kaduwan astaamo ugaar ahna leh dadka qaarba sibay ugusoo gashaa kuna waydaarataa taasina waxay ka dhalataa qorshuhuu ruuxu sii dejisto intaanay usoo gelin bishani aalaaba  dad fara badan waxay ugu beegantaa xilliyo fasaxeed saa daraadeed qarkood waxay qorshaystaan inay fasaxa kusoo qaataan meelo aragga uroon qaarna waxaysii goostaan bishaa inay ganacsi kaga faaidaystaan qaarkale inay asxaab iyo qaraabo aykala baadeen wada kulmaan qaarkale inay cibaadada kaga faaidaystaan bishan barakaysan IWM dadka qaarna waaba agaray dam bishay kujiraan iyo ta kabaxday

waa isugu mid dadkaasina waa dadka wakhtigoodii laga dhacay welina aan soo ceshan iskusoo wada xooriyoo ninba waa siduu umaamulaa raasamaalkiisa rasmiga ah(waqtiga)

haddaba waxaynu insha allaahu halkan kusoo bandhigaynaa shaqooyin qiimo iyo qaayo,leh oo inoo yaalla bisha ramadaan inagoo soo koobayna.

Ugu horrayn bishan waxa suubban in layska yareeyo shaqooyinka aduunka oo haddaan layska wada daynba in la xaddido waayo 11bilood eekaleba aduunyaa labaadi goobayaa haddiise aan laga maarmayn waa laqabsan karaa laynoomana diidin.

Bishan waxa lagaga faaidaysan karaa guud ahaan ilaahay wax kastoo lagu adeecayo in lasameeyo wax kastoo lagaga fogaanayana in laga irkado loona dhawaan. cibaadooyinka muhimkaa waxa kamida,soontii waajibka kugu ahayd inaad soontid waxa kamida sadaqada, qaraaba xidhiidhinta fidinta diinta salad badnaan aqoon korodhsi quraan akhris,iwm.

Dhanka kale in laga dheeraado wixii denbiya mid yar iyo mid weynba denbiyada ugu badan ee bishan dhaca wax kamida Soon la,aanta Xanta Beenta Cayda dayacaadda Waqtiga lagu lumiyo waxyaabo faaiido darraa sida Laandhuuda Dubnada Filimada Turubka Baraha bulshada oo layska dul yuururoIWM,iaydoo dadbadani uba haysan in waqtigooladaycaa aanu denbi ahayn.

Bishan waa bil aykaga faaidaysan karaan dadka balwada lihi joojinta balwadahay wadi jireen ramadaan ka hor

Haddaba maadaamuu quraanku yahay cibaadooyinka ugu muhiimsan ee bishan laqabto waxaynu soo bandhigaynaa qaabka ugu fudud ee loo akhriyi karo  Quraan badanka xilli kooban.

gtjnjnxxs(A)Todobaad ku Dhamay quraanka

1_Subixii10 bog

2_Duhurka 10 bog

3_Casarka 10  bog

4_Maqribka 10 bog

5_Cishaha 20 bog

6_Suxuurta 30 bog

(B)Saddex jeer dhamay bishii

1_Subixii 12 bog

2_Duhurkii 12 bog

3_Casarkii 12 bog

4_Maqribkii 12 bog

5_Cishihii 12 bog

(C)laba jeer dhabay bishii

1_Subixii sideed bog

2_Duhurkii sideed bog

3_Casarkii sideed bog

4_maqribkii sideed bog

5_cishihii sideed bog

(D)Ugu yaraaan hal mar Dhamay bisha ramadaan adoo sidan raacaya

1_Subaxii 4 bog

2_Duhurkii 4 bog

3_Casarkii  4 bog

4_Maqribkii 4  bog

5_Cishihii 4 bog

Intan waxaynu usoo bandhigaynaa qofku suu ugu xisaabtamo lkn waa lagi badin karaa ilaahay waxaynu waydiisnaynaa inuu inaga dhigo kuwa bishan lo denbi dhaafo.

W/Q maxamed ismaaciil xaaji cali(mataan)

Xaaji1436@gmail.com

0634425047

COMMENTS
LINKS