|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuul Xilkii Bulshada Ee Loo Igmay Kagaga Mashquulay Danahiisa Gaarka Iyo Tabashada Shacabka +Ficilada Ka Baxsan Hanaanka Maamul Ee Ku Talaabsaday.
June 28, 2016 - Written by Editor:Hargeisa(W,N):-Shacabka Kala Duwan ee Ku Dhaqan Degmada Gabiley iyo Ayaa Bilihii U Danbeeyey Sida Fiinta Uga Qaylyey Shaqo Xumada Iyo Tacadiga Uu kula Kacay Masuulkan oo Xilka iyo Xafiiskii Dawlada Ee Shacabka Loogu Adeegayey Ugu Tagrifalay Dan shaqsi iyo sidii guri uu leeyahay oo kale, C/raxmaan Nuur Abokor oo Ah Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley oo lixdii sano ee u danbeeyey xafiiskan masuul ka ahaa ayaaney bulshada ama shacabka degmadu marnaba ka helin adeegyadii iyo hab nidaameedkii shaqo ee xafiiskani uu u igmanaa, waxaana uu kula kacay mudadii xilkan hayey qaar kamida birimagaydada ku dhaqan deegaanka falal ka baxsan hanaanka maamulka wanaagsan iyo Shaqsi si hufan ugu adeegayada shacabka, kadib markii uu khalkhal iyo xaalad ka dhex abuuray dadweyne muran dhul ka dhextaagnaa oo aanu sidii masuul xafiis shacabka uga wakiil ahi u dhaqmi lahaa ula dhaqmi, markii qaar kamida labada garab ee isku haysta dhulka uu ka qaatay waxoogaa faroguudkood ah kadibna uu madaxa isku galiyey, Xafiiska Masuulkan Ayaa Badiyaaba Ah Mid Shacakba Danaha Kala Duwan u Lihi uu wakhtigu kagaga dhaco oo albaabadu u laaban yihiin, isagoo sida uu doono u dhaqma islamarkaana telefoonkada kala duwan ee uu isticmaalo ku xidha waa khalad mana jirto hal shaqsi oo si masuulnimo ku jirto uu ku qanciyo haddii ay tahay marka uu xafiiska ku sugan yahay ama goobaha kale, Xiliyada uu xafiiskan soo fadhiisto ayaa ah saacadaha uu danaha kala duwan u leeyahay ama uu shaqsiyaad uu danaynayo uu u fuliyo arimahooda, Dhinaca Kale Masuulkan ayaa Mudadii uu Xafiiskan Ku Magacownaa Isku Dul Badaleen maayiro tiro badan isagoo inta badan xaalad abuur iyo khilaafaad kala hor yimaada masuuliyiinta loodoorto xilka maayirnimo isagoo kalsooni ka helaya shaqsiyaad daaha dabadiisa ka haga oo siyaasad ahaa uu ku shaqeeyo ficiladooda islamarkaana gacan ka helaya kana shidaal qaadanaya xarunta madaxtooyada somaliland,
Wasaarada arrimaha Gudaha somaliland oo iyadu inta badan Maamusha magacowdana Xoghayeyaasha Gobolada iyo degmooyinka Dalka Ayaan ilaa hadda wax talaabo ah ka qaadin masuulkan lafdhuungashay ku noqday xafiiskan oo ah ijiinka laga hago horumarka iyo u adeeggista shacabka degmo kasta iyo gobol kasta, oo dalka ah, Dhinaca Musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta oo uu masuulkani caan ku yahay ayaa ah kuwa marwalba sababa in maayirka cusub ee xilka hadba qabta falalka ay iskagaga horyimaadaan,isagoo ka faaiideysta todobaadada ay ku cusub yihiin xafiiska,
Talaabooyinka lagu yaqaano ayaa ah xiliyada la arko in wakhtiyada Masuuliyiin ka Socoda Xukuumada Dhexe ama golaha wasiirada lagu arko in sifiicin iyo waji furan uu ku soo dhaweeyo islamarkaana uu madaxa u buuxiyo,
Sikastaba Ha ahaatee Shacabka Kala duwan ee Ku Dhaqan Gobolka Gabiley Ayaa dhowraya islamarkaana Sugaya Talaabada Wasaarada arrimaha guduhu ka qaado masuulkan oo Faashil ka jooga Xilkii uu Shacabka u Hayey.
Hargeisa Somaliland Axmed Almis. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|