Maamulaha Shirkada Daabacaada Casriga ah Ee Sagal Jet Oo Afur Ku Maamuusay Ciyaartoygii Somaliland Uga Qayb galay Tartankii Confica Cup. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulaha Shirkada Daabacaada Casriga ah Ee Sagal Jet Oo Afur Ku Maamuusay Ciyaartoygii Somaliland Uga Qayb galay Tartankii Confica Cup.
June 10, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Maamulaha shirkada Daabacaada Casriga ah Ee Sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar ayaa waxa uu magaalada haragaysa aAfur iyo casho sharafeed  ku maamuusay ciyaartoygii reer somaliland ee ka qaybgalay tartankii confica cap ee dalalka aan la aqoonsan ee  ka dhacay dalka Abkhasia.

Kulan ayaa waxaa kasoo qaygalay Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka casimada Hargays iyo xubnihii Ciyaartoyga ee kasoo noqday ciyaarihii ay kusoo ciyaareen dalka abkhasia.

Waxaana halkaasi ugu horay ka hadlay Maamulaha Shirkada Sagal Jet oo  ku hambalyeeay ciyaartoyga iyo cikasta oo ka qaybqaaday sidii somaliland uga qaybgali lahayd tartankaa wadamada aan la aqoonsan

Sidoo kale Mr Cabdi Yuusuf ayaa uga mahad naqay sida ay usoo ajiibeen afurkan ay ku maamuuseen ka shirkan ahaan.

SAGAL JET 11

Dhanka kale waxaa isna halkaa ka hadlay xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi(Cagayare)  oo isagu ahaa xildhibaankii la socday ciyaartoyga xiligii ay ka qaybgalayeen koobka wadamada aan la aqoonsan

Wuxuu xildhibaanku ku amaanay maamulka Sagal Jet oo iyagu noqday Shirkadihii ugu horeeyay ee kulamo Dhiiri galin iyo Hambalyo Ah  la barbar Istaagay ciyaartoyga Reer somaliland ee guusha kasoo hoyay tartankii ayka qaybgaleen ayuu yidhi Xildhibaanku,

 

 

COMMENTS
LINKS