|
|||||
WAJAALE NEWS
Laba Agaasime Guud Oo Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Oo Dagaal Gacan-kahadal Ahi Dhexmarey, Maxayse Isku Dagaaleen
June 27, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(WN)-Agaasimayaasha Guud ee Wasaarada Diinta yo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali,iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan(ilkacase),ayaa isku gacan saarey Huteelka Like-Asal ee Magaalada Hargeysa kadib markii ay isku afdhaafeen arimo kulan ay kuwada lahaayeen halkaasi Masuulyiin kasoo jeeda Gobolkaas. Ilaa iyo hada lama oga sababta dhabta ah ee ay labadan masuul isku gacansaareen haseyeeshee, waxa dagaalkoodan culus ee dhexmarey goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saaxil(Ramaax), oo aan hulanin in uu labada masuul ku kala ladqabeeyo ismaandhaafkooda sababey dagaalka gacan kahadalka ah. Mudooyinkan dambe,waxa ka dhextaagnaa Masuulyiinta Xukuumada kujira ee kasoo jeeda Goblka Saaxil arimo isku labeeyay oo ay kamid yihiin taageerada Xisbiga Kulmiye oo ay ku kula aragti duwan yihiin iyo arinta Wareejinta Dekedda Berbera oo midba midka kale ku wanjalo in uu kasoo horjeedo……..
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|