Isbahaysiga Galbeed Ee KULMIYE Iyo Saamaynta Xulufadii Xisbiga!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isbahaysiga Galbeed Ee KULMIYE Iyo Saamaynta Xulufadii Xisbiga!!!
June 13, 2016 - Written by Editor:

BURCO(Wajaalenews) Xisbiga Kulmiye oo ay hore isbahaysi ugu jireen qaar ka mid ah beelaha badhtamaha Somaliland dega iyo kuwa bariga Somaliland dega ayaa haatan u muuqda mid galay isbahaysi cusub oo reer galbeed ah ka dib markii uu xisbigaasi ku soo biiray Axmed Ismaaciil Samatar.

Sida ay sheegeen warar ka ag-dhaw xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, Gudoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa heshiis kula galay siyaasiga Axmed Ismaaciil Samatar inuu waqtigani dhiso Muuse, sidii uu talada dalka u hanan lahaa doorashooyinka soo socda, isla markaana Axmed Ismaaciil Samatar la dhiso shan sannadood ka dib.

muuse iyo kaahin

Heshiiskan cusub ayaa la filayaa inuu keeno khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgala Maxamed Kaahin Axmed oo isagu waqti xaadirkani ah Gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE, isla markaana isku diyaarinaya inu shanta sannadood ee dambe isku soo taago doorashada.

Inkasta oo aan heshiiskani si rasmi ah loo shaacin, haddana waxa la sheegay in labada Siyaasi ee Muuse Biixi iyo Axmed Ismaaciil isku afgarteen, balse Maxamed Kaahin ayaan la sheegin inuu isaguna u tunaasulayo Axmed Ismaaciil iyo inkale.

WAJAALENEWS DESK

BURCO OFFICE

 

 

 

COMMENTS
LINKS