Ingiriisku haddii Uu ka baxo Midowga Yurub Saamayn Noocee ah ayuu Mustaqbalka Somaliland ku Yeellan karaa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ingiriisku haddii Uu ka baxo Midowga Yurub Saamayn Noocee ah ayuu Mustaqbalka Somaliland ku Yeellan karaa?
June 24, 2016 - Written by Editor:

Waxa jirta bishan 23keeda, oo maalinta khamiiska ah, in dalka Ingriiska ee U.K, ay ka dhacayso codayn dadwayne(referendum), oo ay dadwaynahaasi u codaynayaan laba talo mid ahaan: In dalkoodu (U.K) ka baxo midawga yurub (E.U), ee ay ka mid tahay Hadda, iyo Inuu ka sii mid ahaado midawga yurub (E.U). Haddaba, dadwaynaha ingriisku, way ku kala qaybsanyihiin arrintan muddo 3-4 bilood ah, waxaanay kala calaf qaadayaan khamiista soo socota-. Sidaa markay tahay dadka dalka inaga jooga, xagna u leh inay codeeyaan , ha lagu baraarujiyo, waa fikirkayga e, in ay is waydiiyaan su’aal saddexaad oo dheeri ah, oo ah in: ·    Ingiriiska oo ka baxa midawga yurub iyo isagoo kusii jira mustaqbalka, midkee u roon dalka Somaliland, marka laga eego dhinaca baadidoonka ictiraafka. Waxay ila tahay, markaan ka duulo dhinaca baadidoonka ictiraafka, inay inoo sahlanaan karto ingiriiska oo ka baxa midawga yurub (E.U), maxaa yeelay waxa markaaba suuragal ah , in danahoodii isku lifaaqnaa kala fuqaan, dabadeedna dhinac waliba gaar u baacsado danahiisa siyaasadeed & dhaqaaale IWM. Dabcan inagana waxa Ilaahay ina dhigay oo aynu ku naalaa Bogcad ishu qabanayso (redsea), oo istraataji ah. Ingiriiskuna haduu ka baxo midawga yurub, oo dadwaynihiisu sidaa u codeeyo, waxa Hubaal ah in isbedel siyaasadeed ka dhacayo qaaradda YURUB, baaxadda uu doono ha yeesho e, haba lahaadaan bisayl siyaasadeed oo ay ku gaadhi karaan, sidii xeegona xeego u noqon lahayd, Ilkana u nabad gali lahaayeen e. Kolse haddii lakala boodo, siyaasad iyo dhaqaaleba, way ku kala bixidoonan waxa markaa dhacaysa in ingriiskii aan sidaa ugu qanacsanayn wax la yidhaa Somaliland, oo gooni u go’da, hadana aan jeclayn inay ka libidho, cidkale oo uga baqaana aanay jirin, amma lagu tixgalin jirayba, inuu doorkan aad u qiimeeyo, hadii isla markaa inaga lafteenu la nimaadno, si xor ah dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo firfircoon. Waxa kale oo dhici karta, in jinaaxa kale ee ku hadhay magaca midawga yurub(E.U), oo haatanba aynu qaarkood xoodaamino ay kaba timaado dabayl wanaagsani. Markaa waxaan maqaalkan uga danleeyahay kuna Soo koobayaa, in dadkii U.K degenaa ku baraarugaan arrintan.

 

Wabilaahi Tawfiiq

Qore: Ahmed Sandon Hassan

 

COMMENTS
LINKS