|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri:Kuma ayuu Ahaa Maxamed Cali Kalaay,Guulihii Uu Ka Soo Hooyay Tartanadii Feedhka Dunida Oo Xiiso Badan Iyo Xiligii Uu Soo Galay Diinta Islaamka
June 4, 2016 - Written by Editor:Hargaysa(Wajaalenews)Maxamed Cali Kalaay waa feeryahan caan ah oo u dhashay dalka maraykan. Maxamed Cali oo dadka soomaaliyeed u yaqaanaan magaca “Maxamed Cali Kalaay” ayaa taariiikhdu markay aheyd 17.January 1942 ku dhashay magaalada Louisville ee gobolka Kentucky oo ku yaal Koonfurta Mareykanka. Kalaay oo ka dhashay qoys heysta Diinta Masiixiga ayaa waxay waalidkiisu ugu wan qaleen magaca Cassius Marcellus Clay jr. M. C. Kalaay waxa uu ku guulaystay Tartanka Feerka Miisaanka Culus tiro sadex jeer ah. Sidoo kale waxuu muddada 20-ka sanno ah ee uu ku dhex jiray Cayaaraha Feerka ku guuleystay inuu noqdo Horyaalka Aduunka sanadaha 1964, 1974 iyo 1978. Sanadkii 1999 ayaa Kalaay loo aqoonsaday inuu yahay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee Caalamka soo mara Qarniga 20aad. Qaab Feerka Maxamed Cali Kalaay waxa uu caan ku ahaa goysmada ama gasta faraha badan taas oo dhib u keeni jirtay feeryahanada isaga la tartama. Waxa kale uu Kalaay ku caan baxay intii uu feerka ku dhex jiray feerka deg-dega ah. Qaadashada Diinta Islaamka 1964 ayay ahayd markii ugu horaysay uu Kalaay si la yaab leh uga guulaystay Feeryahanka ahaa Horyaalka Miisaanka Culus ee lagu magacaabi jiray Sonny Liston. Waxuuna Kalaay isla mar ahaantaas la wareegay Suunka cadeynta u ah in uu noqday Horyaalka Aduunka ee Feerka Miisanka Culus. Kalaay oo markaa da’diisu ahayd 22 sanno ayaa noqday Feeryahankii ugu da’da yaraa ee ku guuleysta Suunka Feerka Miisaanka Culus ee taariikhda aduunka soo mara. Muddo yar ka dib markii Kalaay uu noqday Horyaal ayaa waxa uu si lama filaan ah warbaahinta Caalamka uga sheegay in uu qaatay Diinta Islaamka. Sanadkii 1965 markuu Kalaay si rasmi ah ugu biiray Diinta Islaamka ayaa waxuu magaciisa hore ku bedelay magaca islaamka ah ee Maxamed Cali. Kalaay waxa uu qaatay Diinta Islaamka isaga oo aan ka laheyn wax dan qaas ama qarsoon. Waxaana xataa dhici kartay inuu Kalaay talaabadaas ku waayo taageerayaashiisa aad ka u tira badnaa. Laakiin waxa dhacday taasi bedelkeed oo ah in taageerayaasha iyo shacbiyadda uu Kalaay ku lahaa gudaha dalka Mareykanka iyo Caalamka intiisa kaleba ee aad u sii kordheen. Dagaalkii Vietnam Sanadkii 1966 ayaa Maxamed Cali Kalaay laga qaaday imtixaan ku saabsan cafimaadkiisa, waxaana la sheegay inuu ka qeyb gali karo dagaal ay Dowlada Mareykanka qeyb ka aheyd oo xilligaa ka socday dalka Vietnam. Taasina waxay la macno ahayd in haddii uu Kalaay dagaalka ka qayb qaadanaayo uu guud ahaan ka tago feerka iyo waxbarashaddiisa kaleba. Laakiin Kalaay oo lagu yaqaan dhiiranaan badan ayaa qaadacay arrinkaas oo waa uu diiday inuu dagaal la galo sida uu hadalka u dhigay dad masaakiin ah oo u dhashay dal ka tirsan dunida soo koraysa. Kalaay waxa uu sidoo kale si cad u sheegay in uu gebi ahaan ka soo horjeedo dagaalka Maraykanka ay ku qaadeen Vietnam oo masaafo ahaan aad uga fog dalka Maraykanka, waxuuna sheegay in dagaalkaas uu yahay mid gardaro ku ah shacabka reer Vietnam. Markii Laga Qaaday Suunka Sanadkii 1967 oo ahaa markii Kalaay uu gaaray guulihii ugu badnaa ayeey dawlada Mareykanku ka xayuubisay Suunkii Horyaalka Feerka Miisaanka Culus ee Aduunka. Sababtoo ah waxaa Kalaay lagu soo eedeeyay inuusan wadani aheyn bacdamaa uu diiday ka qayb qaadashada dagaalka ka socda dalka Vietnam. Muddo dhan 3 sanno Kalaay kama uusan qeyb gelin wax tartan-feer ah, laakiin waxa uu feerka mar kale dib ugu soo noqday sanadkii 1970. Maxamed Cali Kalaay oo ah Halyeey ku weyn qalbiyada shacabka aduunka ayaa safka hore kaga jira Feeryahanada Waaweyn ee Taariikhdu mar walba xusi doonto. Geerida Marxuum Maxamed Kalaay: Maxamed Cali oo ahaa nin can ku ahaa ciyaaraha feedhka marar bandanna ku guuleystay ayaa geeriyooday sida aanu ka soo xiganay idaacada BBC-da. Waxa uu ahaa 74 sano jir, xaaladdiisan ayaana laga deyrinayay maalmahan. Waxa haleeyay xanuun uga dhacay sambabada iyo neefsashada. Waxaa cudurkaasi uu ku dhacay sanadkii 1984, afar sano kaddib markii ka fariistay ciyaaraha feerka. Maxamed Cali waxa uu ku dhashay ee gobolka koofurta mareykanka ku yaalla ee Kentucky. Waxa uu muslim noqday sanadkii 1964 oo ahayd markii ugu horeysay ee abaalmarinta caalamiga ah uu ku guuleystay. Seddax jeer ayuu helay abaalmarinta feerka culus ee caalamka.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|