“Haddaad Dhimato Geeridu Marbay Nolasha Dhaantaa” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Haddaad Dhimato Geeridu Marbay Nolasha Dhaantaa”
June 25, 2016 - Written by Editor:

Dadka Muslimka ah ee Iimaankoodu Daciifo marka ay u tagaan Baaderiyeda Kiristaanka ah ee ay ku yidhaahdaan Waxaanu dooneynaa inaanu soo Galno diinta Kirstaanka, waxa marka Hore lagu yidhaahdaa horta is caddeeya Oo caaya diinta Islaamka iyo nebbi Muxammed (NNKH), Markay intaas ogolaadaan ayaa laga Duuba cajeledo Iyagoo caayaya oo wax Ka sheegaya diintooda Islaamka ah iyo Nebigooda caleyhi Salaam. Hada waxaaba laga yaabaa dadka Noocaas sameeyey iney baahiyi weedy, Laakiin aaney jecleyn iney diintooda Islaamka ah ka baxaan.

i

Waxaan uuga socdaa ragga halkan sawirradooda kusoo qaatay, waxay ka tirsanaan jireen Xisbigii UDUB, immikana waxay ka tirsan Yihiin xisbiga KULMIYE, waxa la ii Xaqiijiyey markii ay ku biirayeen xisbiga (Kulmiye) in laga duubey Cajelledo ay ku Caayayaan xisbigii ay hore uga tirsanaayeen ee (Udub, ilaa ay sidaa Yeeleena lagama ogolaan iney ku biiraan Xisbiga Kulmiye, ku darsoo cida ka duubeysey waxay u badnaayeen dumar Sida la sheegey.

Haddaba mala odhan Karaa kuwan laftooda waxa waddey baahi Oo lagaga faa’deystey.? Waxa jira laba maah maahood oo ay Kala leeyihiin dadka ku nool dalkan JSL Iyo dadka Ku nool dalka Soomaaliya, dadka ku nool JSL Waxay odhan jireen;  “Waad baahan tahay looma bahalo cuno, Macnaha maah maahdu xambaarsan tahay waxay tilmaamaysaa baahi, Kastoo ku haysa qofka u dhashay JSL Inaanu bakhtiga cunin, halka Dadka ku nool dalka Soomaaliya ay Odhan jireen iyana; Dantaada maqaar ey ayaa loogu Fadhiistaa oo macnaheedu tahay, markaad dan Leedahay xataa waxa qudhma Ayaa loogu fadhiistaa, oo ta hore cakiskeeda noqonaysa.

Malaha waxbaa is bedeley, Xiligii Siyaad Barre waxa iddaacadii Muqdisho laga sii deyn jirey dad fara Badan oo rag iyo dumarba leh, waxa La weydiin jirey su’aalo ay ka mid Ahaayeen, Kacaanka hortii maxaad Ahaan jirtey.?

Dabadeed Raggu waxay odhan jireen, Tuug ayaan ahaan jirey, imikana Maxaad Tahay ayaa lagu celin jirey?

Markaasuu haddana odhan jiray oo ku jawaabi jiray Guul wade ayaan ahay. Mar kale ayaa la weydiin jiray oo la odhan jiray, Mahadaa yaa iska leh.? Markaasuu ninku ku jawaabi jiray, Aabaha kacaanka Jaalle Siyaad iyo hooyada kacaanka Maama Khadiija ayaa iska leh.

Malaha maantana waa sidii oo kale, Mahadaa yaa iska leh? Aabaha KULMIYE Jaalle Siilaanyo Iyo hooyada kulmiye maama Aamina Weris hhhh.

Dadka sidan laga dhigey intan kuma koobna oo waxa ka mida Haween, dhalin yaro, iyo odayaalba

Waxaan ku soo xidhayaa qoraalkayga tuducyo aan kasoo qaatay gabayo iyo maasooyin ay ka tiriyeen abwaanta geyigeena.

Aan ku horeysiiyo tuducyo ku jiray gabay uu tiriyay AHN Abwaan Maxamed Cawar

Wuxuu yidhi:

Haddaad dhimato geeridu                               

Marbay Nolasha dhaantaa,

Dhalashiyo marbay kaa

Yihiin Dhaqasho xoolaad

Nin dhirbaaxo quudheed Dugsedey

Dhaqayadeed maalye

Dhashaadey sugtaa

Xaajadaad Dhawrsataa abid.

Mar kale waa kii AHN Abwaan Cali dhuuxna lahaa.

Naagahaan dhankii loo rogiyo

Dhinacna diideyne

Dhedigoodigaa la arkiyo

Dhiiga caaddadda ‘e

Haddaanay dhiilka caanaha ah lahayn

Laguma dhaateen

Wax sidaa ka dhigan

Gobtiib dhawr satee

Ceeb ka dhiidhiyin.

AHN Mar kale waa kii Abwaan Gaariye lahaa:

Sanadkii xumaadaba

Ragbaa Sahayda naanayse

Kuwa siinka bawdada marsaday

Way ii sejelenyiin.

Kol kalea waa tuu Abwaan Hadraawii yidhi:

Geesteyda waa fuley

Ninkii gaar u faashaday

Gobanimana waa quus

Ninkii gawska dhaafsaday

Guri ba’ayna waa cadow

Ninkii raarta sii guraye.

Qalinkii:Muj.Cali Xaraaro

COMMENTS
LINKS