GUULEED MA JOOGAA? Qiso Hees Caan Baxday ka Dhalatay…Qalinkii Cabdinaasir Axmed Ibraahim | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GUULEED MA JOOGAA? Qiso Hees Caan Baxday ka Dhalatay…Qalinkii Cabdinaasir Axmed Ibraahim
June 8, 2016 - Written by Editor:

Qisada xiisaha badan ee ay ka dhalatay heesta caan ka baxday ee ” Guuleed Ma joogaa?”

Goor fiid ah ayuu RABBI ha janneeyee Abwaan Cabdiqaadir Xirsi Yamyam meel uu ku qayilay ka soo kacay, intii uu soo hayay jidkii gurigiisa tagayay ayuu soo ag maray guri ood ay ku dayran tahay, goobtu waa Suuqa Bakaaraha agagaarkiisa. Guriga barbarkiisa waxa taagan gabadh Ilaahay qurux u dhammeeyay jooggeeda qofka aan xataa, guriga u dhowayni meel dheer ka soo halacsanayo, gabadhu way feedhanaysaa. Aragtidii hore Cabdiqaadir Xirsi Yamyam(AHN) wuxu mooday geed, geed noocee ah ayuu se mooday?

Heesta dhexdeeda ayuu sharxi doonaa. Markii uu u aqoonsaday in ay tahay gabadh ayuu garan waayay meel uu hadalka uga bilaabo, meeshu waa waddo oo iskama taagnaan karo, reerkanna ma yaqaan, cabbaar ayay maskaxdiisu rogrogtay wixii uu odhan lahaa iyo meeshii uu hadal ka ka bilaabi lahaa. Waxaa nu yidhi; “WALAAL, NIN GUULEED LA YIDHAA OO ASKARI AH MEELAHAN XAAFADDIINA MA DEGGAN YAHAY?”

“Guuleed Aa, bal soo soco oo wajigaaga aan arko?” Ayay ugu jawaabtay gabadhii.

Markii ay wajigiisii si fiican uga bogatay, isla markaa na aqoonsatay in aanu doonayn Guuleed ‘e uu haasaawe tag yahay, ayay u sheegtay in xalay oo kale niman tuug ahi guriga u soo dhaceen oo alaab gurteen, sidaa darteed ay isagana moodday in uu kuwii daba socodo.

…Isku sheeg in uu yahay Cabdiqaadir Xirsi Yamyam. Garatay oo tidhi, “iskuullada ayaa ban qaar ka mid ah suugaantaada ku dhigan jirnay.” Guriga inta ay hore u gashay ayay darmo u soo qaadday, waxa aanay u dhigtay guriga sintiisa illaa waaga barigiisa halkii ayay ku sheekaysanayeen. Subaxnimadii hore ayuu Cabdiqaadir ku yidhi gabdhi ” Gurigaygu wa ka halkaa ka muuqdee maanta galabta iigu kalaay. galabnimadii markii ay ugu timidday ayuu u soo dhiibay heestan oo qoran, waxaa ku luuqeeya fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar, waxa codka saaray, Cabdikariin Jiir. waxa ay ifka u soo baxday sannaddii 1976.

Xalay galin dhexaadkii,

Mar aan mayrac guuraha,

Sheedda guriga faalalay,

Oon himilo gaariyo,

Dayaxoon galsho lahayn,

Ilayskiisa Galalacay,

Sida gooni daaq cawl,

Gaaf meeray socodkii,

oo guud haldhaa iyo,

Miliilacay gob weynoo,

Mid ba gooni laamahu,

rucub midho ah gunuddoo,

Ged geddoonka raamuhu,

dhexda dari garraaro leh,

Had ba gees u liicaan,

Oon wali gar eexaad,

lagu niqin guntiisoo,

Gudin nabar u yeeshiyo,

Gacan cadow ku dhicinnoo,

Xiddidkiisa gaarrani,

Gu’ la waayo aragoo,

Gondaha rayska kula jiro,

Oo hoos galbeedkiyo,

Hadhku galinka bixiyaa,

Naacow gaara leeyahay,

Oon halag galeen iyo,

Inna godod lahaynoo,

Gardhadiyo caleemaha,

Aanay haaddu guri karin,

Oo meel gabbaadiyo,

Sabo guri ku yaalloo,

Laaxo is galaashiyo,

Ufo garami kiciyo,

Dabaylaha gilgilayaa,

Man ka aanay goyn karin…

Cabdiqaadir intaa wuxu si xeel-dheeri hadalnimo iyo farshaxan badani ku dheehan yahay ugu sharxay geed quruxdiisa aanan awood u lahayn in aan qalin ku sharxo. Sifooyinka wanwanaagsan ee uu geedka ku ammaanay waxa ka mid ah; Marka hore geedku waa (Gob) geedaha kuma jiro, waxyaabaha geedka gobka la yidhaa magacan uu ku qaatay ama luugu bixiyay na waxa ay dhaqan yaqaannada iyo xeel dheerayaasha arrimaha deegaanku ku sheegaan in uu Jiilaalkii dhalo, goortaas oo ah goor aan geedaha kale midho laga heli karin, dadkuna aad ugu baahan yahay. in geedkan laamihiisa mid kastaba gaarkeeda ay uga lulato rucub midho ah, in aan wali geedkan gar eexeed lagu hoos naqin. Gar eexeeddu dhirtu way qalajisaa, kan wali lagu ma hoos niqin gar eexeed. In Geedkan gudin nabar u yeesha iyo gacan cadow aanay wali ku dhicin. In geedkan xididkiisu biyaha gaadhay oo wali na aanu arag gu’ baaqday ama la waayay. In geedkani hadh galbeed naacow macaan uu bixiyo. In aan geedkani hog bahaluhu ay galaan aanu lahayn, dhirta marka la hadhsanayo ama la hoos seexanayo iyo marka la fuulayo ba waxa ugu horreeya ee laga eegaa waa hogog halag galeen ah in uu leeyahay. In geedkani meel gabaad ah oo guri u dhow ku yaal. In haddii dabayl kasta ay dhacdaa aanay geedkan “Mankiisa” goyn karin iska daa wax kale oo ay yeeshee.

Farshaxannimadii ugu heerka sarreysay ee geed lagu ammaano uu adeegsaday, haddaanu dheeraad ba raacin. Aan ku sii soconno heesta qaybaheedii kale;

Kalgacayl i galay iyo,

Gocoshada xasuustiyo,

Haybaddaa ila gudubtoo,

Naxariis indhuhu godol,

baalashii is galiyee,

Ayaa gadafkan muuqaa,

Geed iiga dhigayee,

illeen araggu waa gabadh,

Ma se garanayee talo,

Guurti yaa u mari laa,

Goob xaadhashada yaa,

isagoon gafine sugay,

Garta kaligii niqi laa,

Naftu gogotay laabtee,

googaale badanaa,

Gudbi weyday saantuye,

ma god baa horteeda ah,

In aan laba mid soo galo ,

sow ila ma gudboonaan,

Geesi waayo arag ihi,

dantii kama geddoomee,

Sow ardaaga gurigii,

Gaashaan kamaan dhigan,

Sow ereyo googo’an

Gooni baadh kumaan odhan,

Guuleed ma joogaa?

Guntanaha sarbeebta ah,

Sow maanay garannoo,

Kaftan dhiiri galino,

Googaa ma odhanoo,

Sheekadii iga ma gurin,

Oo gudasho xeel iyo,

gaari camalladeedii,

Gogol iima soo dhigin,

Haasaawe guud oo,

Gardaadsaday jeceylo,

Sow barasho guud oo,

Aanu libin ka gaadhnaa,

Sow goobtii kama dhalan,

Laxowgaa guntamay iyo,

Faraxaa ka soo go’ay,

Qalbigii gudhnaa ee,

irmaanaday galabtow,

Gacmo furan dhankayga’e,

Daalo geedeheedii,

Danhi aan ka guray,

iyo guntimooyin ubaxoo,

Xarriir lagu galeeyaan,

Idiin galiyay qoortee,

Deeq Gacalo weeyee,

Gobaad waxa aad u dhiibtaan,

Boholyow aan qof ii galin,

Intii aan gu’ noolaa,

Gun dhigiii xishood kaay,

Adiguna garaad badaneey,

Maan ku kaama guuree,

Murti aan la goohiyo,

Gunno weeyo kaligaa,

gabdho aad ka mudatee,

Geestaydan caashaqa,

Ka godladay ha gaagix.

 

Kalgacal indho-sarcaad igu riday, gocosho ay xasuus wehelinayso iyo hiisaha ayay dartood indhuhu isku soo ordeen oo baalasha is galiyeen’e illeen arragu waa gabadh’ e geedkii aan u haysta ba ma aha. Waa heestii ugu horreysay ee aan arko ee habkan oo kale u dhacda, haddii aan naqaanay ekeeye gabadh lagu ammaano, tani way ka xeel dheer tahay oo halkan ayay ka bilaabmaysaa in uu gabadh u aqoonsado geedkii uu muddada dheer ammaanta kula duldhacay. Wuxuu Cabdiqaadir ka fikiray in ciddii uu gabadhan ergo ahaan ugu tiran lahaa iyo siduu hadalka ugu furi lahaa, meerisyada dhaxal galka ee aan aad ka ugu helayna waxa ka mid ah meeris uu sharxayo, mar uu damcay in uu dhaqaaqo oo uu awoodi waayay, waxa aanu yidhi;

Gudbi weyday saantuye,

ma god baa horteeda ah.

meeris aad dhaafto heestu ma leh, hasayeeshee, bal aan kaligay danaysto oo aan xusho kuwa i cajibayay,

Laxowgaa guntamay iyo,

Faraxaa ka soo go’ay,

Qalbigii gudhnaa ee,

irmaanaday galabtow,

Gacmo furan dhankayga’e

Waxa aan ku soo af-meeryaa meerisyadan oo dareenkooda iyo xiisahooda gaar xambaarsan; Deeq Gacalo weeyee,

Gobaad waxa aad u dhiibtaan,

Boholyow aan qof ii galin,

Intii aan gu’ noolaa.

COMMENTS
LINKS