Guddida Ictiraaf Raadinta Somaliland Oo uu Wehelinayo Xildhibaan (Obama) oo la kulmay Safiirka Kurdistan u fadhiya Sweden | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Ictiraaf Raadinta Somaliland Oo uu Wehelinayo Xildhibaan (Obama) oo la kulmay Safiirka Kurdistan u fadhiya Sweden
June 21, 2016 - Written by Editor:

Guddida Ictiraaf raadinta Somaliland oo uu wehelinayo Xildhibaan Mohamed AliHirsi ayaa la kulmay safiirka Kurdistan ee Sweden. Kulanka oo ahaa mid rasmiahaa ka dhacay xarunta safaarada Kurdistan ee magaalada Stockholm. SafaaradaSweden ee Kurdistan ayaa xarunta ugu weyn ee ay ku leeyihiin Yurub.

obama 1 obama 4

Xildhibaan Obama ayaa ka sheekeeyay qadiyadaha ay wadaagaan labada dal eeSomaliland iyo Kurdistan, sidaa oo kalena soo dhaweeyay casuumada uu safiirka u fidiyay weftida metelayay Somaliland. Kulankaa waxaa xildhibaan wehelinayay Xog-haya GUUD ee Laanta Sweden ee xisbiga Kulmiye Ibraahim Ali ADAN

obama 3 obama 2

Kulanka oo ahaa mid aad loo soo agaamisay, oo in badan ay ka shaqaynayeenwakiilka Somaliland ee Sweden Rhoda Jama Elmi iyo guddida ictiraaf raadintaSomaliland ee Sweden ayaa qaatay mudo labo sacadood ah. Kulanka ayaa lagagahadlay siyaasada ictiraaf raadinta oo ah mid ugu muhiimsan ee labadan waddanwadagaan, sidoo kale waxaa la isla soo qaaday horumarka labada dal, dhiirigelintadimuqraadiyada iyo sidoo kale in ay wada shaqayn dhexmarto jaaliyadaha Somalilandiyo Kurdistan ee Sweden.

Geesta kale, asalkoodu yahay Kurdistan ee ku dhaqan Sweden ayaa ah 1% shacabka reer Sweden, sidoo kale boqolkiiba 2, dadka ugu awooda badan waddanka Swedenwaa Kurdi.

Si kastaba haahaate, kulanka ayaa noqonaya mid bud dhig u noqda xidhiidh diblumasiyadeed oodhexmara Somaliland iyo Kurdistan.

 

COMMENTS
LINKS