|
|||||
WAJAALE NEWS
Faysalbaa Gabyoo Yidhi: Kaftan Siyaasadeed- Gabay Dheeg Macaan iyo Qadhaadh
June 3, 2016 - Written by Editor:Gabaygan oo aan kasoo dheegtay gabaygii Caanka ahaa ( Macaan iyo Qadhaadh) ee Abwaan Qaasim, IHN. Waa Gabay Xayir kaftan siyaasadeed ah oo hab farshanimo leh uga hadlaya gedgedoonka iyo gabidhaclaynta Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Waayaha Siyaasadeed ee ku gedaaman. Gabay Dheegan waxaa hal-abuuray; Maxamed Dubad Gacayte. Hadaba Ila wadaaga Gabaygii “Faysalbaa Gabyoo Yidhi” Dacartuba marbay malab dhashaa ooy, muudsataa dhabaqe Waxaan ahay muxaafid iyo mucaarid, meel ku wada yaalle Midigtayda iyo bidixdaydu waa, laba mataanoode Midi waa mindiyo xiirayoo, maal rasuul bixine Midina waa muwaadin dhaboo, maagista aqoone Masalooyin talantaaliyaan, maandha leeyahaye Nin majiira keliyuun qabsada, hay maleeynine Waxaan ahay nin midabaynoo, maalinbay is rogaye Muuqaygu gelinkii kastaba waa, muunad gooniya e Muqdishiyo Hargeysiba, waygu murantaaye Miisaana ima saari karo, Cali Mareexaane Marbaan ahay mudeec camalsanoo, Muusahaa jecele Marna macangag qawl lahaynoo, miigan baan ahaye Marbaan ahay muftiga xisbiyadda, muqadinkoodiiye Marna mukhawi waashoo xumaha, miista baan ahaye Marbaan ahay nin xaaraan maqdaca, marin jidiinkiiye Marna tuug maal jecel baan ahay, iyo hangool madhane Marbaan ahay maqaam awliyaad, ma addinkoodiiye Marnna mudanka shaydaanka iyo, muunad caynkale e Marbaan ahay mukhalas daran iyo, madaxda reeraaye Oo ay weliba muuniyo dulqaad, igu majeertaane Marna siyaasi dadka caaya oo, muuqan baan ahaye Muslinka iyo gaalada dirkaba, waan micne aqaane Madaxtooyada inaan geli jiriyo, marinadeedaasi Marxuumkii Gaani iyo UFO aan , marag u haystaaye Maxamed Biixi inaan keeni karo, waa midh la hubaaye Hadduu Jamaal madaxweyne noqdo, maalo dabadooda Waa nin wax maamuli yiqiino, wuu i maan garane Nin mansab jecel baan ahoo weliba, madaxu boosaystay Ninkastoow halkii kula mudan ee ay, muhato laabtaadu Ee aanad xisbi kale madaxdii, ugala maarmeeynin Iska soo mar waa kuu mubaax, marinkad doonaaye DHAMAAD COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|