Faysalbaa Gabyoo Yidhi: Kaftan Siyaasadeed- Gabay Dheeg Macaan iyo Qadhaadh | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faysalbaa Gabyoo Yidhi: Kaftan Siyaasadeed- Gabay Dheeg Macaan iyo Qadhaadh
June 3, 2016 - Written by Editor:

Gabaygan oo aan kasoo dheegtay gabaygii Caanka ahaa ( Macaan iyo Qadhaadh) ee Abwaan Qaasim, IHN. Waa Gabay Xayir kaftan siyaasadeed ah oo hab farshanimo leh uga hadlaya  gedgedoonka iyo gabidhaclaynta Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Waayaha Siyaasadeed ee ku gedaaman.

gacayte

Gabay Dheegan waxaa hal-abuuray; Maxamed Dubad Gacayte. Hadaba Ila wadaaga Gabaygii “Faysalbaa Gabyoo Yidhi”

Dacartuba marbay malab dhashaa ooy,  muudsataa dhabaqe

Waxaan ahay muxaafid  iyo mucaarid, meel ku wada yaalle

Midigtayda iyo bidixdaydu waa, laba mataanoode

Midi waa mindiyo xiirayoo, maal rasuul bixine

Midina waa muwaadin dhaboo, maagista aqoone

Masalooyin talantaaliyaan, maandha leeyahaye

Nin majiira keliyuun qabsada, hay maleeynine

Waxaan ahay nin midabaynoo, maalinbay is rogaye

Muuqaygu gelinkii kastaba waa, muunad gooniya e

Muqdishiyo Hargeysiba, waygu murantaaye

Miisaana ima saari karo, Cali Mareexaane

Marbaan ahay mudeec camalsanoo,  Muusahaa jecele

Marna macangag qawl lahaynoo, miigan baan ahaye

Marbaan ahay muftiga xisbiyadda, muqadinkoodiiye

Marna mukhawi waashoo xumaha, miista baan ahaye

Marbaan ahay nin xaaraan maqdaca, marin jidiinkiiye

Marna tuug maal jecel baan ahay, iyo hangool madhane

Marbaan ahay maqaam awliyaad, ma addinkoodiiye

Marnna mudanka shaydaanka iyo,  muunad caynkale e

Marbaan ahay mukhalas daran  iyo, madaxda reeraaye

Oo ay weliba muuniyo dulqaad, igu majeertaane

Marna siyaasi dadka caaya oo, muuqan baan ahaye

Muslinka iyo gaalada dirkaba, waan micne aqaane

Madaxtooyada inaan geli jiriyo,  marinadeedaasi

Marxuumkii Gaani iyo UFO aan , marag u haystaaye

Maxamed Biixi inaan keeni karo, waa midh la hubaaye

Hadduu Jamaal madaxweyne noqdo, maalo dabadooda

Waa nin wax maamuli yiqiino,  wuu i maan garane

Nin mansab jecel baan ahoo weliba, madaxu boosaystay

Ninkastoow halkii kula mudan ee ay, muhato laabtaadu

Ee aanad xisbi kale madaxdii, ugala maarmeeynin

Iska soo mar waa kuu mubaax, marinkad doonaaye

DHAMAAD

COMMENTS
LINKS