|
|||||
WAJAALE NEWS
Doodo ku saabsan Somaliland oo ku soo Noq noqday Baarlamaanka Sweden,
June 2, 2016 - Written by Editor:Sweden(Wajaalenews) Barlamaanka dalka Sweden waxaa in muddo ah ku soo noqnoqonayay doodo ku saabsan arrimo la xidhiidha Somaliland, balse doodaha ayaa sii xoogaystay tan iyo wixii ka dambeeyay 18-kii bishii hore ee May, oo ahayd markii dib ula soo noqoshadii xornimada Jamhuuriyada Somaliland 25-jirsatay.
Bilawgii bishii 3aad ee maarso ayay ahayd markii xildhibaan Hans Linde oo xisbiga bidixda u qaabilsan siyaasada arrimaha dibada uu wasiiradda Isbella Lövin waydiiyay sida ay Sweden ugu gurmanayso oo gacan uga gaysan lahayd dadka abaaruhu sameeyeen ee reer Somaliland, ka dib markii xubno ka tirsan guddida baarlamaanka Sweden arrimaha dibada ay la kulmeen wakiilka Somaliland ee Sweden Rhoda Jama Cilmi, Gudoomiyaha guddida ictraaf raadinta Maxamed Yusuf Bidhiidh iyo xubno Guddida Ictiraaf raadinta Somaliland ee Sweden https://www.riksdagen.se/sv/dokument-lagar/dokument/skriftlig-fraga/torka-och-hunger-i-somaliland_H311913 Ka dib, intii lagu gudo jiray 18-may ayaa wakiilka Somaliland u qaabilsan Sweden Rhoda Jama oo kaashanaysa guddida ictiraaf raadinta ayaa kulamo la yeeshay xubno badan oo ka mid ah baarlamaanka Sweden, xubnahan oo loogu yeedho Friends of Somaliland, ayaa iyaguna suaalo ku boobay labada wasiir ee arrimaha dibbada iyo horumarinta caalamiga ah ee Sweden. 20-kii bishii May ayaa xildhibaanad Birgitta Olsson oo ahayd wasiirka hore ee dimuqraadiyada iyo Midawga Yurub ee Sweden, hadana xibiga laybaraalka u qaabilsan siyaasada arrimaha dibada ayaa wasiiradda arrimaha dibada Sweden Margot Wallström waydiisay in Sweden ay damacsan tahay in xayiiraadka xagga socdaalka ee saaran Somaliland ay ka qaado, maddaama oo Somaliland ay ka duwan tahay Somalia. Sidoo kale-na ay Somaliland ka hirgashay nabad taabo gal iyo dimuqraadiyad afrika inteeda kale ay riyo ku raadinayso.
1-dii bisha juun ayaa wasiiradda arimaha dibadda Sweden Margot Wallström suaasha ka jawaabtay, iyadoo aad moodo in aanay si toos ah u abaarin jawaabta. Wasiiradda ayaa sheegtay in wasaarada arrimaha dibadu ay arrinkaas gacanta ku hayso, horena kor loogu qaaday xaalada amni ee magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera. Geesta kale wasaarada arrimaha dibada ayaa hore ugu xaqiijisay guddida ictiraaf raadinta iyo wakiilka Somaliland ee Sweden in ay arrinka u saareen guddi xaqiiqo raadis ah, kuwaas oo dhawaan booqasho ku tegi doona Somaliland, si gaar ahna u soo indho-indhayn doona xaalada amniga. Guddida Ictiraaf Raadinta Somaliland iyo Wakiilka Somaliland ee Sweden ayaa ku dooday in xayiraada socdaalka ee Sweden ku calaamadisay Somaliland ay hortaagan tahay maalgashin badan iyo muwadinan badan oo danaynaya in ay u safraan Somaliland, si usoo indho indheeyaan fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland. https://www.riksdagen.se/sv/dokument-lagar/dokument/skriftlig-fraga/bistand-till-somaliland_H3111255 Mar kale ayaa haddana xildhibaan Birgitta Ohlsson ay waydiiday Raysal waasaraha Sweden in ay Sweden cadaadis ku saarayso Somalia in ay ixtiraanto nabadda iyo dimuqraadiyada Somaliland, maddama uu Sweden ay caawimo siiso Somalia. Birgitta Ohlsson ayaa ku doodaysa in Sweden ay shuruud kaga dhigto caawimada ay siiso Somalia, in Somalia aanay marnaba ku fekerin wiiqada nabbada iyo dimuqraadiyada Somaliland
Jawaabta, suaasha ayaa ah mid laga sugaayo in raysal wasaare ku xigeenka Sweden, ahna wasiiradda horumarinta iyo cimilada Isabella Lövin ay kaga soo jawaabto, laba wiig gudahood, sida sharcigu dhigaayo. Si kastaba, ha ahaate doodaha ku saabsan Somaliland ayaa muddooyinka dambe hadheeyay baarlamaanka Sweden, oo ah meesha looga arrimiyo waddankan. Related posts:Daawo: Xukuumadda Somaliland Oo Ku Fashilantay In Ay Bulshada U Cadayso Shirkadii Keentay Shidaalka ... Dawlada Ethiopia Oo Bilado iyo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Maayirada Magaalooyinka Hargeisa iyo Ber... Waftigii Madaxwaynaha Jsl Hogaaminayo Oo Caawa Ka Anbabaxay Garoonka Diyaaradaha Ee Caasimada Itoobi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|