Dhamaan Warbaahintii Muuqaalka Ahaa oo xaqul Qalinkoodii Madaxtooyadu Siisay!! ADEN DEEQ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhamaan Warbaahintii Muuqaalka Ahaa oo xaqul Qalinkoodii Madaxtooyadu Siisay!! ADEN DEEQ
June 29, 2016 - Written by Editor:

Inkastoo war cusub aanay ahayn in mashruuc walba iyo maalgashi ba ay ku dhici jireen jeebabka Masuuliyiinta xukumada una kala badsan jireen siday u kala miisaan wayn yihiin amaba sida la isaga habeen dhowyahay. Waa kuwaa is fashilay ee umadu waxii ay tuhunsanayd kana kaceen dhami wax garadkii Gobolka Saaxil banaanka usoo baxay cadaatayna in shirkada DPWORLD sida wax u rabto iyo danaha khaaska ah ee shakhsiyaadka ugu shilis xukumada ineey saami gaar ah amaba shuraako uga ogolaatay xukumada Dubai banaanka timi. Xukumada isu taga imiraadka ayaa aad uga xumaatay qaylada umada kasoo yeedhaysa taasoo aad aay u biyo diideen xukumada Somaliland na ku amray kadib markii booqasho aay ku imadeen waftigii ingineerada ka koobnaa ee indho indhaynayay dekadu aay ku warceliyeen xukumadooda in arintii dekeda Berbera umadiireer Somaliland ineey aad u biyo diidanyihiin. Arintaas ayaa waxay sababtay in Xukumada isu taga carabtu ee Dubai ineey kharash dambe soo diraan kasoo aay ku amrayaan madaxtooyada Somaliland ineey ku xaliyaan dhawaaqa umada iyo dhami warbaahinta kharashkaas oo 30 000 000$ ah lagu sheegay, isla xalaytoole taariikhdu markay ahayd Salaasa 28 Juun laga dareemay dhaqdhaqaaqa dhami warbaahintii telefishanada dalka oo isu dhaafaya madaxtooyada Somaliland. Dadka iyo dalka inta ku nool wax u kala qarsooni maba jiro oo maantaba dhaqaqdhaqaaqa magaalada iyo dadka intii ka ag dhawayd suxufiyiintuba waa xoorinayeen mana qarsan kuwii umada isaga dhigaayay ineey u deegaan in halkaa ceebi ugu sugantahay. Lakiin xaqiiqadu waxa weeye in umada si wanaagsan loo darsay lana ogaday in hadba kii Dan lihi inuu awr kiisa ku kacsado. Rajo ma lumin wali daacadina ma hungoowdo waxaana xaqiiq ah in BULSHADA Somaliland guuli u dambayso oo wakii Hadraawi lahaa; Ninkii ballankaaga qaaday

Ka baaqday xilkaad u dhiibtay

Ka baydhay ujeedadaada

Ku boobay adoo sabool ah

Ku wiirsaday baaba’aaga

Adoo bogan waayey taada

Ninkii u buseelay raaxo

Huwaday bulbushii libaaxa

Buruudkiyo shaashka qaatay

U booday cirkaa dusheenna

Bilkeeday laboontidiisa

Buurtuu koray waarin mayso

Heddiisana baajin mayso

Kub iyo bawduu ka jabi

 

ADEN DEEQ

COMMENTS
LINKS