Dawlada Kenya Oo Dooneysa In Ay Qaramada Midoobay Ka Taageerto Dhaqaalaha Ciidamada AMISOM. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Kenya Oo Dooneysa In Ay Qaramada Midoobay Ka Taageerto Dhaqaalaha Ciidamada AMISOM.
June 15, 2016 - Written by Wariye:

Nairobi(WJN):-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo booqasho ku jooga dalka Belgium ayaa lagu wadaa inuu u raadiyo dhaqaale ciidamada Kenya ee ka howgala dalka Soomaliya.

Kenyatta ayaa kala hadli doona madaxda Yurub sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya dalkiisa gaar ahaan arrimaha ganacsiga.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Kenyatta uu kula kulmi doono magaalada Brussels xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon isagoo kala hadli doona sidii ay Qaramada Midoobay u caawin lahayd ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya.

“Go’aanka ay Midowga Yurub ku dhimeen dhaqaalaha ay siin jirtey AMISOM waxa ay saameyn ku yeelatay howlgalada ciidamada AMISOM,waxaan jeclaan lahayn in Qaramada Midoobay ay kala wareegto Midowga Yurub taageerida ciidamada AMISOM,”ayuu yiri safiirka dalka Kenya u fadhiya magaalada Brussels Johnson Weru.

Qaar kamid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan dalka Soomalaiya ayaa hore ugu hanjabay inay ka fiirsanayaan sii joogista ciidamadooda dalka Soomaaliya haddii aan la siin dhaqaalaha ku baxaya  ciidamadooda.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS