|
|||||
WAJAALE NEWS
Dagaal Markale Ka Dhex Qarxay Beelihii Dhawaan Dirirtu Ku Dhexmartay Deeganada Dharkayn Geenyo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
June 25, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)June.25,2016-Wararka naga soo gaadhaya magaalada laascanood ee xarunta gobolka sool ayaa sheegaya in shalay galinkii danbe uu dagaal ka dhacay deegaano u dhaw deegaanka dharkayn geenyo ee gobolka sool oo ay dhawaan diriri ku dhex martay laba beelood oo walaalo ah oo wada daga deegaankaasi. Waxaana dagaalkan la sheegay inuu mar kale ka dhex qarxay labadii beelood ee hore ugu diriray deegaanka dharkayn geenyo kuwaasi oo ilaa hada la waday xalinta shaqaaqadooda. Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa la sheegay in iminka inta la ogyahay ay dagaalkaasi ku dhinteen ilaa 6 qof iyada oo ay tiro kalena ku dhaawacmeen. Deegaanada uu dagaalku mar kale ka bilaabmay ayaa la sheegaya inay labada beelood ee hore dirirtu u dhex martay ay wada dagaan iyaga oo dhinac kasteba dhankooda isku maleeshiyo aruursanaya, dagaanadan ayaa kala ah sida lagu soo waramayo deegaanka Balli Qoraansey, Balliga Shiinile iyo waliba tuulada Gasangas oo ku tala koonfurta deeganka dharkayn geenyo. Warar hoose oo nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in ciidamada qaranka Somaliland ay xalay gaadheen deegaanadaas sansaanka colaadeed laga dareemayo iyaga oona la wareegay amaanka deegaanada. Ilaa hada ma jiran warar rasmi ah oo kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan balse dhawaan ayay ahayd kadib markii ay labadan ardaa dagaal ku dhex maray deegaanka dharkayn geenyo kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Gabagabadiina dhawaan ayay ahayd kadib markii uu madaxwaynaha Somaliland gudi ka koobaan cuqaal waxgarad iyo xildhibano ka tirsan guurtida u saaray xalinta shaqaaqadan ka dhex dhalatay labadan ardaa iyaga oona kulamo la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka labada beelood isla markaana ay mid kasteba sheegtay inay nabad qaadanayaan oo ay arinka sansaan nabadeed kusoo dabaalayaan balse arinkaa Ayaan noqon mid hirgala.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|