Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawacba Gaystay Oo Ka Dhacay Deegaanka Yeyle ee Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawacba Gaystay Oo Ka Dhacay Deegaanka Yeyle ee Gobolka Sool
June 15, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)June.15,2016-Warar hada naga soo gaadhay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada Ramaasnews ayaa sheegay in maanta dagaal ku dhex maray deegaanka yayle oo kamida gobolka sool laba beelood oo walaalo ah oo sida naloo sheegay wada daga deegaankaas.

Waxaana dagaalkan sida naloo sheegay uu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh waxaana  ku naf waayay inta la ogyahay laba qof halka qof kalena uu dhaawac yahay.

Maamulka gobolka saraar iyo ka sool iyo ciidamo tiro badan ayaa la sheegay inay deegaankasi gaadheen waa sida naloogu soo waaramaye iyaga oo u tagay inay kala dhex galaan labadaa belood ee dirirtu ka dhex qaraxday.

Ilaa hada ma jirto warar rasmi ah oo kasoo baxay dagaalkan dhex maray labada belood eek u dhex maray deegaanka Yayle ee gobolka sool.

Maamulka gobolka sool iyo gobolka saaraar iyo ciidamado halkaas gaadhaya ayaa lagu soo waramayaa inay ku dadaalayaa sidii ay u damin lahaayeen colaada halkaas ka dhex aloosantay.

 

 

COMMENTS
LINKS