Ciidanka RRU da oo Hawlgal ay Ka Fuliyeen Xaafada 150 ka Ku Soo Qabqabtay Shaqsiyaad Looga Shakisan Yahay Kooxda Alshabaab | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka RRU da oo Hawlgal ay Ka Fuliyeen Xaafada 150 ka Ku Soo Qabqabtay Shaqsiyaad Looga Shakisan Yahay Kooxda Alshabaab
June 19, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa, 19 June, 2016-(Wajaalenews) – Hawl-gal Ciidammada sida gaarka ah u Tababbaran ee loo yaqaanno RRU-du ka sameeyeen Xaafadda Boqol iyo Kontonka ee Magaalada Hargeysa ayay ku soo qabteen Saddex Qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Dalka Soomaaliya.

Ma Jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Ciidammada Ammaanka oo la xidhiidha Hawl-galka Ciidanku ka sameeyeen Xaafadda Boqol iyo Kontonka ee Hargeysa, laakiin Ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Hawl-gal Ciidammada RRU-du Duhurnimadii Jimcihii Doraad sameeyeen halkaasi ku soo qabteen Saddex Ruux oo midkood Haweenay tahay, kuwaasi oo la sheegay in looga shakisan yahay Argagixisonimo.

Warka ayaa intaa ku daraya, in RRU-da oo raacaya Sahan Ciidammada Sirdoonku sameeyeen ay u daateen laba Guri oo midkood yahay Jiingad, isla-markaana  ay ka soo qabteen  Saddexda Qof ee laga shakisan yahay.

Wargeyska Himilo uma suurto-gelin inuu Helo Masuuliyiinta Hay’adaha Ammaanka Somaliland oo wax laga waydiin lahaa Hawl-galkan Dadka lagu qab-qabtay, laakiin qaar ka mid ah Dadka Deggen Xaafadda ay ku yaalaan Guryaha laga soo qabtay Saddexda Ruux, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Ciidanka RRU-du guryaha ay Dadkan ka qabteen ka heleen Hub nooca fudud ah.

Dhanka kale, intii Hawl-galkani socday, waxa aad loo adkeeyay Ammaanka Xaafadda ay ku yaallaan laba Guri ee Saddexda Qof laga qabtay, iyadoo Ciidan badan la dhigay Guryaha kale ee Xaafaddaasi hortooda.

 

COMMENTS
LINKS