Cidamada Itoobiya Iyo Eritrea Oo Dagaal Xoogani Dhexmaray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cidamada Itoobiya Iyo Eritrea Oo Dagaal Xoogani Dhexmaray.
June 13, 2016 - Written by Wariye:

Waxaa jira warar sheegaya in uu dagaal xooggan ku dhexmaray ciidammada Itoobiya iyo kuwa Eritrea soohdinta ay ku muransan yihiin.

Waxaa jira warar sheegaya in uu dagaal xooggan ku dhexmaray ciidammada Itoobiya iyo kuwa Eritrea soohdinta ay ku muransan yihiin.

Dadka ku nool magaalada Tserona ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in dhawaqa rasaas maqleen saacadihii hore Axada, isla markaana ay arkeen ciidamo badan oo wata hubka culus kuwaasoo ku wajahan soohdinta ay la leeyihiin Eritrea.

Balse wasiirka warfaafinta ee Itoobiya ayaa BBC u sheegay in aanu ka warqabin wax dagaal ah oo dhacay.

Labada dal ayaa muddo dheer ku muransanaa deegaanno ka tirsan soohdinta ay wadaagaan, waxaana Qaramada Midoobay ay deegaannadaasi u xukuntay Eritrea, walow ay Itoobiya diiday go’aankaasi.

Ugu yaraan boqol kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii labadaasi dal dhexmaray intii u dhexeysay sanadihii 1998 ilaa 2000.

In kastoo dagaalkaasi uu soo afjarmay sanadkii 2000, ayaa haddana waxaa mararka qaar dhici jiray iska horimaadyo kooban.

Source BBC

Wariye:Abdiqadir Habane
Hargeisa Office
Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS