Carruurtaada Iyo Kuwa Kale!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Carruurtaada Iyo Kuwa Kale!!!
June 27, 2016 - Written by Editor:

Aabahay wuu dhintay, waxaanu nahay afar carruura, hooyadayna ma hayso lacag ay dharka ciidda noogu soo iibiso dee markaa ciidda waxaan maydhanayaa dharkii aan xidhan jiray……….!!!

Adigu ma dhar baad noo iibinaysaa adeero Maxaad su’aalaha ii weydiinaysaa..?

Anigu ma haysto dhar aan ku ciido laakiin illaahay ayaa isiin doona, hooyadayna way dhimatay, aabona wuu xannuunsayaa oo wuu xidh xidhanyahay…………!!!!

Hadaladan waxaan ka qoray laba carruura oo yaryar oo saaxiib ku ah duruufta wehel la’aanta nolosha.

waa barqo, saacaddu waxay qoraysaa 10:15AM, waxaan marayaa mid ka mida jidadka waawayn ee suuqyada hargeysa oo laga dareemayo diyaargarawga ciidda ramadaanta, ma jiro ujeedo aan ahayn inaan bulshada u bandhigo codka carruuraha danyarta ah ee aan haysan wax ay ku farxaan maalmaha ciidda oo aan u tagay suuqa, sidaasoo ay tahay durba waxaan ku guulaystay inaan la kulmo qaar ka mida ubadkan anigoo la sheekaystay.

Intii aan suuqa marayay waxaan xasuustay xaafado badan oo ay degen yihiin danyartu oo laga yaabo in aan qaarkood saddexda waqti wada helin kuwaasoo ciidiina kusoo dhawaatay, isla markaana aan jawaabo u hayn su’aalaha ay waydiinayaan carruurtoodu dantuna u run sheegtay, sidoo kale waxa xusid mudan goobaha lagu xannaaneeyo carruurta iyo ubadka darbi jiifka ah ee suuqyada buuxa ee daawanaya waalidiinta ubadkooda gacanta haya ee uga dukaamaynaya suuqyada una iibinaya dharka iyo agabka ciidda ramadaanta iyadoo aad dareemayso in carruurtaasi ay is waydiinayaan su’aalo ay ka mid yihiin (adigu maxaad u heli wayday cid ku kaxaysa oo dharka ciidda kuusoo iibisa)

Muuqaalada qoraalkani sawirayo oo aad u kala fog ayaa waxaa geesta kale xusida u baahan in bishani tahay bisha taakulada masaakiinta waana waajibaad saaran islaamka iyadoo damqashada bulshada taagta daran ee inagu dhex jirtaa ay tahay mid inoo furaysa naxariista illaahay ee aynu bishan gudeheeda ka dalbayno raxmaanka arlada taagay ee inagu eegaya sida aan ula dhaqanno dadka jillicda san ee bulshada ku dhex nool.

Haddii, haddaba ubadkaagu helay fursad ka baajisa inuu su’aalo adag is waydiiyo isla markaana uu haysto waalid farxadiisa ka shaqeeya yaa u cid ah kuwa aan haysan waalid, kuwa gidaarada seexda kuwa danyarta ah ee waalidkood tahli waayay inuu ka farxiyo iyo masaakiinta……?!

Waa su’aalo damqaya damiir kasta oo nool isla markaana xasuusinaya waajibaadka ka saaran danyarta,waxaana ila quman inaynu xilkasnimo badan la nimaadno oo aynu caawino bulshada inala nool ee u baahan taageeradeena.

Mislimiinta qoraalkan akhrisata waxaan ku boorinayaa inay ka farxiyaan ubadka la mida kuwooda oo ay gacan siiyaan maalmaha ciidaha barakaysan waxaana la hubaa inay taasi tahay furaha farxaddeena guud iyo dariiqa aynu ku helayno liibaanta ifka iyo guusha aakhiro.

Waxaan halkan baaq uga dirayaa ganacsatada, qurbejoogta, qolqol joogta awoodi kara caawimada iyo qaybaha bulshada anigoo ku boorrinaya inay caawiyaan danyarta.

sidoo kale waxaan ka codsanayaa saxaafadda iyo culimada inay bulshada usoo bandhigaan coddadka danyarta si ay u helaan caawimo.

Ugu danbayn waxaan illaahay ka baryayaa inuu dariiqa toosan ina waafajiyo danbigeenana dhaafo.

Qalinka: Axmed Cismaan Batuun

COMMENTS
LINKS