|
|||||
WAJAALE NEWS
Badhasaab Ramaax Oo olole Xoogan Ugu Jira wareejinta Dekeda Berbera isaga oo ka Mashquulay Xilkii Badhasaabnimo Ee Awdal.
June 22, 2016 - Written by Editor:Badhasaabka Gobolka Awdal maxamuud Cali saleebaan Ramaax ayaa waxa uu waayadii ugu danbaysay si wayn ugu ololaynayay Wareejinta Dekeda Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka saaxil , waana Gobol uu deegaan ahaan ka soo Jeedo waxaana la sheegayaa in ulajeedadiisu tahay in Gobolka saaxil loogu wareejiyo badhasaabnimadiisa Maxaa yeelay waa Goob hada gacan shisheeye loo galinayo maamulka dekeda Berbera waxaana la sheegayaa in Ramaax uu yahay Badhasaab ay Xukuumada soomaliland u adeegsanayso kala Fogaynta Bulshada ku dhaqan Gobolkaasi saaxil kuwaasi oo si aada uga soo Horjeeda wareejinta Dekada Barbara oo lagu wareejinayo Shirkada DP WORLD oo imaaraadka laga leeyahay RAMAAX OO DIFAACAYA IN DAKADA BARBARA LA WAREEJIYO XILI HARGEYSA UU JOOGAY Waxaana Xusid mudan in Ramaax uu yahay nin hadba meeshii la doono loo adeegsado isaga oo Tahli kari waayay inuu Maamulo Gobolkii uu badhasaabka ka ahaa oo baylahsan islamarkaana uu khilaaf badani ragaadiyay oo la xidhiidha xaga maamulka iyo meelo kale waxaana Jirta in Xafiiska badhasaabka Gobolka awdal uu gabi ahaanba uu yahay mid haawanaya waayadii u danbaysay isaga oo ku Mashquulay dekada Berbera oo shirkad Shisheeye lagu wareejinayo iyada oo waliba dabada ay ka Riixayso Madaxtooyada soomaliland isku soo wada duuboo Badhasaab ramaax ayaa Noqday dameeri dhaan raacday taasi oo looga jeedo inuu yahay mid aan meelna ku hakanaynin islamarkaana maalinba Gobol u Guurguura sidii inuu safiir yahay Sawirkani waxa uu Muujinayaa labada Badhasaab ee ka Taliya Gobolkaasi saaxil kuwaasi oo mid yahay Maqaar saar halka kan kalana uu yahay Mid doonaya inuu laba Gobol Maamulo balse waa Caqliga Cusub ee hada ka shaqeeya soomaliland iyo Xukuumada oo aan iskaba war haynin xili laga Faaidaysanayo kala Guurka ka socda soomaliland Xukuumada Dhexe ee somaliland ayaa looga Fadhiyaa inay talaabo ka Qaado badhasaab Ramaax oo ku Fashilmay Hawlihii loo igmaday balse waxa jirta in Xukuumadu ay iyadu ka warqabto qaska iyo isku dirka Ramaax ka wado Gobolka saaxil si dakada Berbera loo wareejiyo walaw Badhasaabkii Gobolkaasi saaxil uu noqday Maqaar saar daaha ku daba jira Ramaaxna Gobolkaasi ka Arimiyo Isku soo wada duuboo Badhasaab ramaax ayaa waxa uu doonayaa in mansab iyo xil sare ku helo wareejinta dakada barbara ee la doonayo in gacanta shacabka soomaliland ka baxdo balse waxa ay tani taariikhda u gali doontaa Baa Madaw iyadoo badhasaab Ramaax oo looga bartay inuu yahay shaqsi wadaniyadu ku yartahay balse iska yeelyeela nin wadani ah Waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in badhasaab ramaax uu Hunguri kaga Jiro lacagta xaqul qalinka ah ee dekada barbara lagu maalgalinayo walaw Badhasaab ramaax haatan uu u muuqdo nin gabay hawlihii loo igmaday W/Q AXMED QADAAD WAGAREED
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|