AMP Baashe Cawil Ma Bad-Baadin Doonaa Sumcada Qoyska Madaxtooyada Ee Ay Xididka Yihiin, Sidii Ay U Lexo-Jeclaysay Inantii Madaxwaynihii hore Ee Kiiniya , Margareyt Kiinyatta Oo Ahayd Duqii Caasimada Nayroobi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
AMP Baashe Cawil Ma Bad-Baadin Doonaa Sumcada Qoyska Madaxtooyada Ee Ay Xididka Yihiin, Sidii Ay U Lexo-Jeclaysay Inantii Madaxwaynihii hore Ee Kiiniya , Margareyt Kiinyatta Oo Ahayd Duqii Caasimada Nayroobi.
June 29, 2016 - Written by Editor:

Margereyt Kiinyata waxay ahayd Duqii Caasimada Nayrobi, sidoo Kale waxay ahayd Gabadhii uu ku curtay Madaxwaynihii Aabihii Xornimada Dalka Kiiniya Jomo Kinyatta, ayaa Wakhti Wakhtiyada ka mid ah waxa Duqa Caasimada Xafiiskeeda Nayrobi ku booqdey Nin Dublamaasi Sare Ahaa oo ka tirsanaa Dawladii Somalia, Isaga oo kala hadlayey, Arrintii Saraakiishii Somalia dib loogu celinayey Dalka Soomaalia oo Dawlada Kiinya ay u gacan galinaysay Dawladii Milatariga ahayd ee Somalia, isaga oo Ujeedadiisu ahayd inuu ka badbaadiyo in loo gacan galiyo saraakiishaasi, ayaa Waxa uu ka codsadey Margaret Kinyata, in Ay Aabaheed Gaadhsiiso Fariin ahayd, in aanu  ku celin Saraakiisha Dalka Somalia, Maadaama uu yahay Aaabihii Xornimada Afrika, loona Illaaliya Karaamadiisa, Wixii Kinyatta ka Xumaadaana ay tahay Wax Afrika oo Dhan ka xumaanay, intaa ka dib, Margaret Kinyatta waxay Fariintii gaadhsiisay Aabaheed, iyada oo Lexo-Jeclaynaysa Sumcadiisa, Arrinta Dublamaasigana u arkaysa Mid Siiyay Tallo Dhaxal-Gal ah Qoyska Reer Kiinyatta, Dabadeed Jomo Kinyatta waa ka aqbalay, Isaga oo aad u soo dhaweeyey ayaa waxa uu la hadlay Madaxii Sirdoonka, waxana uu ku war-galiyey in uu ka noqdo Amarkii Saraakiisha, Isla markaana loo soo qaado Hotel Five Star oo ku yaala badhtamaha Magaalada Nayroobi,

Arrintaasi waa Arrinta dhaxalsiisay Qoyska Reer Kiinyatta inay illaa maanta ka arrimiyaan Dalka Kiiniya, Talladii Wanagsanayd ee ay bixisay Inantii Maayarka Caasimada Nayrobi bixisay, Iyada oo uu Maantana ka talliyo Uhuuru Kiinyatta oo ahaa Curad ku xigeenkii Margareta Kinyata,

Sidaas oo kale ma ugu dhiiran doonaa Amb Baashe Cawil inuu badbaadiyo Dalka si uu Barri u anfaco Qoyska Reer Siilaanyo, sida Qoyskii Reer Kinyatta si uu Majaraha u qabto Barri ka maalin Wiilka Madaxwayne Siilaanyo ee Kulmiye sida Uhuru Kinyatta

 

Allah Mahad Leh

Axmed Maxamed Bookh (Isha)

Gabiley Somaliland

COMMENTS
LINKS