|
|||||
WAJAALE NEWS
Alla Doori Afkana Waa Yaqiin, Waana ka Agnaan…..! Musharaxiinta m/weyne & m/weyne ku xigeen, Ma Shirwayne Ayaa lagu Doortaa Mise kal-fadhi Gole Dhexe..
June 14, 2016 - Written by Editor:“ALLA DOORI SHARCIGANA WAA YAQIIN, WAANA KA AGNAAN…..! Qareen Guuleed, Musharaxnimada Jamaal Waxay U Baahantahay In Shirweyne Lagu Ansixiyo, Waxaan Aad Ula Yaabay Qareenkan U Doodayay Faysal A. Waraabe. Oo Kala Saari Waayay Musharax Madaxweyne Ma Shirweyne Ayaa Lagu Doortaa Mise Shir Golle Dhexe. Ku Lahaa Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen Waxay U Baahantahay Shirweyne In Lagu Ansixiyo. Malaha Qareenkani mabuu akhriyin xeerka ucid, mise waxay ka tahay badheedh iyo indho adkaan inuu Been qaawan ka sheego Xeerka Ucid. Subxaanaka Yaa Cadiim…..! Xeerka UCID meelna kagama qorna Shirweyne Ayaa Musharaxiinta Lagu Dooranayaa. Doorashada Musharaxiinta M.weyne iyo Ku Xigeen iyo Ansixinta Heshiisyada Labaduba Waa Shaqo iyo Waajibaad uu Leeyahay Golaha Dhexe. Jamaal waxa doortay Golaha Dhexe ee UCID oo ahaa xubnihii uu dortay Shirwaynaha Xisbigu. Bal Waa Kan Xeerka UCID ee Ha Sheego Halka Ay Kaga Jirto In Musharaxnimada Jamaal cali xuseen U Baahantahay Shirweyne lagu ansixiyo. QODOBKA 27AAD MUSHARAXIINTA MADAXWEYNE IYO MADAXWEYNE KU XIGEEN Xarafka 1 aad Musharaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen waxa dooranaaya Golaha dhexe ee xisbiga. Xarafka 2aad Murashaxnimadda Jagooyinka madaxweyne iyo ku xigeenka iyo xubinamadda hogaanka sare ee Xisbigu way kala madax banana yihiin. Xarafka 3aad Xubina looma sharaxi karo musharax madaxweyne ama ku xigeen wax ka badan laba jeer. QODOBKA 16AAD HAWLAHA GOLAHA DHEXE Xarafka 9aad: Golaha Dhexe wuxuu ansixinayaa heshiisyadda uu xisbigu la galo xisbi ama cid kale( dhinaca Kale), oo ku saabsan iskaashiyo wax-wada qabsi oo la xidhiidha arimaha siyaasada ee ay u soo gudbiyaan gudida fulintu iyaga oo ku ansixinaaya cod 2/3 ah. Xarafka 10aad: Golaha Dhexe wuxu u Codaynayaa cidda noqonaysa murashaxa madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka. Sidaas darteed, Waxaan halkan ku cadaynayaa in aanay jirin tartan danbe oo Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ku dooranayo Musharax Madaxweyne sababtoo ah, Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ee qabsoomay, Si rasmi ah loogu doortay Musharaxnimada Jagada Madaxweynenimo iyo Madaxweyne Ku Xigeen, si waafaqsan Xeerka Xisbiga Ucid, taas oo ka danbaysay midowgii heshiiskii siyaasadeed ee ay wada galeen Xisbiga Ucid iyo Garabkii Xisbiga Udub ee uu hogaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen taariikhdu markay ahayd 12 July 2012, lagu qabtay magaalada Hargeysa. Heshiiskaas oo la mariyay nidaamka sharci ee xisbiga, si loo dabaqo qodobada sharci ee xeerka xisbiga ee kala ah Qodobka 16aad faqradiisa (9aad, 10aad) ee kor ku xusan. Hadaba isagoo xisbigu hirgalinayo go,aanadii qodobadan heshiisku dhigayaan waxa uu xisbigu qabsaday kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe Xisbiga Ucid oo qabsoomay 28/10/ 2012. Kal fadhigaas oo cod gacantaag ah oo aqlabiyad ah lagu ansixiyay dhamaan qodobadii heshiiska laguna go’aamiyay qodobadan:-
Ilaahay Sida Xaqa ah Hayna Garan Siiyo Alaa Mahad Leh Ramadaan Kariim Mohamed Gacayte Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga UCID Hargeysa/Somaliland
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|