Ergeygii Midowga Yurub Ee Dalka Turkiga Hansjoerg Haber Oo Is Casilay . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ergeygii Midowga Yurub Ee Dalka Turkiga Hansjoerg Haber Oo Is Casilay .
June 15, 2016 - Written by Wariye:

1Hargeysa(WJN):- Ergeyga Midowga Yurub ugaga wakiilka ahaa dalka Turkiga Hansjoerg Haber ayaa iska casilay xilkii uu hayay inka yar sanad markii la magacaabay.

Xafiiska EU ee magaalada Ankara ayaa xaqiijiyay in Haber uu ka tegey howshii uu hayay isagoo aan cadeyn sababaha ku kallifay.

Diblumaasigan u dhashay dalka Jarmalka ayaa hore ugaga soo shaqeeyay dalka Turkiga intii u dhexeysay 1993-1996 isagoo ka diblumaasiyiinta dalka Jarmalka balse waxaa Midowga Yurub uu u magacaabay xilkan bishii September 2015.

Is casilaada diblumaasigan ayaa imanaysa iyadoo waqti xasaasi ah ay marayso xiriirka u dhexeeya dalalka Midowga Yurub iyo Turkiga kadib markii heshiis ay ku gaareen in dowlada Turkiga ay joojiso dadka qaxootiga ah ee dalkeeda ka soo galaya wadnka Giriiga.

Maamulka Ankara ayaa taa bedelkeeda lagu siiyay in muwaadiniinta u dhashay Turkiga ay u safri karaan dalalka Turkiga iyagoo aan u baahan wax dal ku gal ama Visa ah.

Dalka Turkiga ayaa waxaa jooga qaxooti ka badan labo malyan oo ka yimid dalka Siiriya, sidoo kale waxa ku nool qaxooti kale oo ka soo cararay dagaalada Afghanistan,wadamo ku yaal Bariga Dhexe iyo qaar kale oo dalalka Aasiya ka soo tegey.

Dalka Jarmalka ayaa magangalyo siiyay inku dhow hal malyan oo qaxooti ah sanadki 2015 balse qaxootigaa oo badankood ka yimid dalalka Muslimka ayaa waxaa ay ra’iisal wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel kala kulantay dhaleeceyn badan xisbiyada mucaaradka ah ee ka jira dalkeeda.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS