Soonka, Sayniska, Iyo, Caafimaadka Maxaa Ka Dhexeeya?? By: Jama Hassan (Jama Raan). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soonka, Sayniska, Iyo, Caafimaadka Maxaa Ka Dhexeeya?? By: Jama Hassan (Jama Raan).
June 13, 2016 - Written by Wariye:

Sidda diinteennu noo sheegtay, ee ilaahay {swt}, quraankiisa nooggu sheegay soonku waa ku waajib qof walboo muslim ah, isla markaasna qaan-gaadhay waxaan taas u daliil ah, aayaddahan 194-195 suratul baqrah ”

Bisha Xurmaysan (dagaalkeeda) waxaa laga horgayn bisha Xurmaysan, waxyaalaha xurmaysanna Qisaasbaa ah, ee ciddii idinku xadgudubta ku xadgudba «ku abaal mariya» intuu idinku xadgudbay wax la eg, Eebbana ka dhawrsada, ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada”. (194)

ku nafaqeeya (ku bixiya wax) Jidka Eebbe, hana ku tuurina Gacmihiinna halaag (waxbixin la’aan) wanaaggna fala, Eebbe wuxuu jecelyahay kuwa wanaagga fala. (195)

Axaadiista laga soo wariyey rasuulkeenni {N. N. K. H}, “Wuxuu Nabigeenna (SCW), leeyahay  Bini-aadamka Camal kasta oo

wanaag ah oo uu sameeyo waxaa loo lalaabayaa  Toban jibaarkeeda  ilaa Todobo boqol oo mar. wuxuuna xadiis qudsi ku yiri  Illaah subxaanahu walataaca { Illaah subxaanahu watacala wuxuu leeyahay qofka sooman soonkiisa annigga ayaa iska leh annigga ayaana ka Abaal marinayaa, wuxuuna qofkaas shahawaatkiisii iyo cuntadiisi oga tagay annigga Darteeyda siddaas owgeed illaah subxaanahu watacala wuxuu yidhi annigga ayaa ka abaal marinayaa. siddoo kale soomanaha amma qofka sooman waxaa u suggan labbo farxadood, mar wuxuu farxaa marka uu afurayo, marna wuxuu farxaa marka uu illaahiisa Rabigiisa Khaaliqa ah uu la kulmayo, waxayna riixda afkiisa amma neefta afkiisa qofka sooman  oga Caraf badantahay illaah xaggiisa  Cadarka loo yaqaano miskiga} “muslim iyo bukhaari”•

qiyaastii kumanaan qarni ka hor buu nebigeennu, {scw} wuxuu innoo sheegay, in la soomo maalmaha loo yaqaano ‘al-ayaamul biid’ oo saddex maalmood ah, oo kala ah 13, 14, 15, bil kasta oo milaadi ah xigmad baa ku jirta soomida maalmahan, dhinac waa cibaado alle, oo waxa ay ka dhigan tahay, in aad bishoo dhan soontay, dhanka kalenna jidhkay caafimaad u leeyihiin.

haddaba deraasaddo la sameeyey, sannadihii inna soo dhaafay baa lagu ogaaday, haddii la soomo bishii saddex casho in caafimaad ku jiro, oo ay kordhiso difaaca jidhka bini-aadamka, badashada unugyadda cad-cad, waa mid muujinaysa, in difaac jidheedku siyaaday, awoodna u leeyahay, in uu la dagaalamo xanuun kasta, amma cudur walboo isku dayaaya, in uu soo weeraro qofka caafimaadka qaba.

saynis-yahanno ka hawl gala, jaamacad ku taal waqooyiga ‘california’ ayaa sheegtay, in ay soo saartay faa’iidooyin badan soontu u leedahay dadka ” cancer-ku” haleelay, ammba ku dhacay, siddoo kale dadyowga da’da ah ee {immune system-kooddu}, yar yahay, uu kordho marka ay soomaan, kanna caawiso iska difaaca xanuunadda guud.

dadyow badan oo lagu tijaabiyey baa lagu guulaystay, cuduraddii, iyo xanuunaddii hayey, in daawo loo hel, lagunna daaweeyo, hab islaamig ah oo diinteennu hore innooggu sheegtay, Akhristow maskaxda ku hay, diinta daawo ku jirto, oo qoom kastaaba diintiisa isku daaweeyo, iyadda oo diinteenna macaan, ee wanaaggsan laga soo dhirin dhiriyey.

Faa’iidooyinka kale ee soontu innoo leedahay waxaa ka mid ah kuwan.

1. heerka {Insulin-ta} oo ku bata dhiigga, taasina waxa ay caawisaa, in si sahal ah loo burburiyo baruurta jidhka.

2. kor u qaadista {dheecaamadda koritaanka}, iyagguna waxa ay fudadeeyaan in murugu helida tamar ku filan.

3. in hidda siduhu awood u yeesho, iska caabinta waxyaalaha soo weerara, inta uu ku dhex jiro shaqadiisa.

4. dhimista culayska, iyo miisaanka dadka fuula, xilliyada aynna soomin muddo dheer, waayo waxa aynnu ogsoonahay, si caadiga ah in hal mar la soomo sannadkii.

5. yaraynta qashimadda ka soo baxa marka jidhku sameeyo dheef-shiidka, arrintan waxaa cadeeyey, khuburo ku takhakhustay, xanuunadda ku dhaca aadamaha.

6. la dagaalamida, wax kasta oo cudur amma xanuun keenaaya, iyo dhaymadda nabaradda.

7. xoojinta fayow qabka wadnaha iyo dhiig-wadayaasha, taasina waa tilmaan qof caafimaad qaba, calaashan ka madhan dhiig-kar, iyo yaraynta maadooyinka badiya baruurta awda dhuumaha dhiigga.

8. ka hor-tegida, iyo ka bugsashadda ” cancer-ka”

9. nasinta maskaxda, waayo maxay soomaalidu yidhaahdaa, ‘maan dheregsan iyo calool dheregsan midna wax ha weydiin’.

10. dheef-shiidka oo dib u soo shidaal qaata, ileen waqti buu u soo nastaye ka dib si habsami ah buu ku shaqo galeyaa.

Alla Mahad Leh!!

Jama hassan Mohamaed (Jama Raan)

jaamac_gadari@hotmail.com

COMMENTS
LINKS