3 dhimasho ah iyo 26 Qof oo Dhaawac ah Oo Roobabkii Galabta Da,ay kuwaxyeeloobay Ayaa Madaxweyne Siilaanyo Cusbitaalka Ku Booqday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
3 dhimasho ah iyo 26 Qof oo Dhaawac ah Oo Roobabkii Galabta Da,ay kuwaxyeeloobay Ayaa Madaxweyne Siilaanyo Cusbitaalka Ku Booqday
June 13, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Roobabkii galinkii dambe ka da,ay Caasimada Hargeysa afurkii ka hor waxa ku naf waayey ilaa iyo hada inta laga warqabo 3 qof waxaana ku dhaawacmey 26 qof oo dhaawacyadooda laga soo qaadey qeybaha kala duwan ee Degmooyinka iyo Xaaafadaha Caasimada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco oo ay wehelinayaan Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka ayaa ku booqdey Cusbitaalka Hargeysa waxaana inta laga hada la ogyahey dhaawaca ugu badan laga soo qaadey Xalane oo 9 qof oo kamid ah uu ku dumay gidaar iyo dhaawacyada kale oo oyaguna xaafadaha kale ee Magaalada laga keenay. Sida uu ku waamayo Sarakaal katirsan oo kooxaha Caafimaadka gurmadka degdega ah ee ku sugan Cusbitaalka Hargeysa ayaa, sheegay in dhimasahadu hada tahey sadex qof oo ku geeriyooday dhaawacii kasoo gaadhay roobkii galabta da,ay iyo 26 qof oo kale oo dhaawacyo kasoo gaadheen roobkaasi.

 

Geesta kale guud ahaanba Magaalada Hargeysa waxa soo gaadhay galabta khasaare dhinaca dabeyshii Roobkaasi watey sababeen haday tahey xadhkaha leydhka oo goob kasta kusoo dhacay wadooyinka iyo guryaha geedo badan oo kusoo jabay wadooyinka qaar sidoo kalena, khasaaraha roobkani waxey u badnaayeen Xaafadaha 26juun Gacan Libaax,Sayalada,Badhka iyo xaafado kale oo kamid ah qeybaha kala duwan ee Degmooyinka iyo xaafadaha Caasimada Hargeysa.

 

Wararka kale ee khasaarihii dabeysha roobkani dumiyeen guryo kuyaala xaafadaha Magaalada iyo dhamaanba biaraha lagu taago boodhadhka waaweyn ee Xayeysiisyada ah biraha lagu taagtaago.

COMMENTS
LINKS